Yuu Noqon Kara Dalka Dhexdhexaadinaya Somalia & Imaaraadka?

0
Yuu Noqon Kara Dalka Dhexdhexaadinaya Somalia & Imaaraadka?

Yuu Noqon Kara Dalka Dhexdhexaadinaya Somalia & Imaaraadka?

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad waxa uu sheegay in waddan xidhiidh wanaagsan la leh Soomaaliya iyo Imaaraadku uu soo jeediyay in uu kala dhex galo labada dal oo si weyn ugu muransan heshiiska dekedda Berbera laakiin, dalkaasi ma uu magacaabin.

“markii aanu damacnay in aanu dacweyno heshiiska dekedda Berbera ayaa dal walaal nala ah xidiidh fiicana aanu la leenahay anaga iyo Imaaraadku ayaa yidhi aniga ayaa arintaas galaya ee ha lay daayo,” sidaas ayuu yidhi wasiirka khaarajiga Soomaaliya oo BBC-da u warramayay.

Haddaba cidda uu dalkaasi noqonayo waxa ka soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan in dalkaasi noqonayo Boqortooyada Sucuudiga ama dawladda Masar hase ahaatee wali ma jiraan xogo rasmi ah oo arrintaasi ka soo baxay marka laga reebo xogaha hor dhaca ah oo tilmaamaya labadaasi dal.

Boqortooyada Sucuudiga ayaa xulufo dhaw la ah dawladda Imaaraadka Carabta waxaanay wada hoggaaminayaan dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta iyo cunaqabatayntii lagu gadoomiyay dawladda Qadar. Halka dawladda Masar raacsan tahay xulufada Sucuudiga laakiin, ay Soomaaliya ka leedahay dano isbahaysi oo ku aaddan Itoobiya oo dano dhanka wabiga Niilka ah ay isku hayaan.

Soomaaliya ayaa xulufo la ah dawladdaha Qadar iyo Turkiga kuwaas oo ay is hayaan isbahaysiga Sucuudigu hoggaamiyo ee Khaliijka lamana oga dal daacad ka noqon kara dhexdhexaadinta Abu Dabay iyo Muqdisho maaddaama dano isbahaysi ka jiraan gobolka Geeska Afrika iyo Khaliijka.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.