Yaa Ka Dambeeyay Dilka Uu Ka Badbaaday Dr Abiy?

0
Yaa Ka Dambeeyay Dilka Uu Ka Badbaaday Dr Abiy?

Yaa Ka Dambeeyay Dilka Uu Ka Badbaaday Dr Abiy?
Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa baarlamaanka dalkiisa u sheegay in ciidamo gadoodsan oo todobaadkii hore xafiiskiisa galay doonayeen in ay dilaan.

Ciidamo gaadhaya 250 askari oo koofiyad cas ah ayaa todobaadkii hore galay xunta looga taliyo Itoobiya iyaga oo xidhay jidadka madaxtooyada gala waxaana hawada laga saaray is gaadhsiinta.

Ra’isal wasaare Abiy ayaa ku guulaystay in uu dejiyo xaaladda waxaanu askarta ciyaarsiiyay Jimicsiyo uu kaga dejinayay cadhada laakiin, waxa uu baarlamaanka u sheegay in uu cadho bastii ahaa, islamarkaana aanu xaaladda ku faraxsanayn inta uu isku hawlayay dejinta ciidanka.

“Isu soo bixii ciidamadu ka sameeyeen qasriga madaxtooyada(Xafiiska ra’isal wasaaraha) kaliya may ahayn sharci darro laakiin, waxay sidoo kale ahayd mid aad u khatar ah maxaa yeelay waxa la doonayay in la dhiciseeyo isbedellada socda,” Sidaas ayuu yidhi ra’isal wasaare Abiy oo la hadlayay baarlamaanka.

Waxa uu sheegay in markii xaaladda la dejiyay la maqlayay saraakiisha mudaharaadka waday qaarkood oo isku leh ‘wuu inaga badbaaday’ “Kadib markii xaaladda laga dhigay mid la xakameeyay waxa la maqlay qaar ka mid ah askarta oo leh ‘Inaga oo aan dilin ayuu inaga badbaaday,” Sidaas ayuu yidhi Dr Abiy.
“Innaga oo aan dilin oo qudha ka jarin ayuu innaga baxsaday”
10 October markii boqolaalka askari galeen madaxtooyada, markii la xidhay jidadka hawadana laga saaray isgaadhsiinta waxay bulshada Addis Ababa ama Itoobiya warwar weyn ka qabeen in uu afgambi dhacay laakiin, saacado kadib waxa soo baxay muuqaal iyo wasiirro muujinaya ra’isal wasaaraha oo jimicsi la samaynaya ciidanka.

Sida uu markaasi ugu falceliyay tallaabada ciidanku qaaday ayay dad badan la yaabeen laakiin, wuxuu sheegay in arrintaasi ka ahayd dejin laakiin, uu muraara dillaacsana kana cadhaysna tallaabada ciidanku qaaday, islamarkaana ka cabsanayay mushkilado ka waaweyn in ay dhacaan.

Taliyaha ciidanka Qaranka Itoobiya ayaa dhawaan sheegay in la bilaabay in la xidhxidho maskaxihii ka dambeeyay tallaabada ciidanku ku galay madaxtooyada. Dadkaasi arrintan ka dambeeyay lama caddayn laakiin, wuxuu sheegay in ay ka mid yihiin saraakiil military oo sare iyo shakhsiyaad kale.
Itoobiya Oo Saraakiil Sarsare & Shakhsiyaad Xidh-xidhay

Ra’isal wasaare Abiy Axmed ayaa sidoo kale laga dareemay in uu arrimahan u arko in ay ka dambeeyaan dad aan la dhacsanayn isbedellada uu wado. Dadka uu xusay waxa ka mid ah in ciidamada qaarkood ay doonayaan in ay weeciyaan majaraha uu dalka ku hoggaaminayo. Waxa kale oo uu sheegay in ay jiraan mushkilado ka dhashay isku dhacyada qoomiyadaha oo isaga mucaaradad ku keenaya.

Waxa xusid mudan ciidamada galay madaxtooyada oo sabab ka dhigtay mushahar kordhin in ay ku hawlanaayeen dejinta isku dhacyo u dhexeeyay qoomiyado oo Addis Ababa iyo hareeraheeda ka socday.

Source: BBC
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.