Xusuusqorkii 100ka Maalmood: Q-2aad

0
Xusuusqorkii 100ka Maalmood: Q-2aad

Xusuusqorkii 100ka Maalmood: Madaxweyne Muuse Iyo Xukuumaddiisa Cusub  (Q. 2aad)

Dhacdooyin maalinle ahaa oo dhacayay intii xukuumadda cusubi talada dalka qabatay. Saamaynteeda lahaa. Xidhiidho toos ah iyo kuwo dadbanna la lahaa gudo iyo dibadba.

W/Q: Guuleed Cali Jabane

 

  1. 22kii jeen. M.41aad: Madaxweyne oo waraysi siinayay idaacadda VOA, oo uu su’aalo ku waydiinayay Barkhad M. Kaariye─ayaa su’aal ahayd waxa laga yeelayo wasiirro aan xilkii wali laga qaadin, waxa uu kaga jawaabay, “ Xukuumaddu waa ay dhammaystiran tahay─oo wasiirradu waa ay dhan yihiin, waxa kale waa shaqaale, shaqaalahana qofka shaqadiisa haya in beddelo ma aha”.
  1. 22kii Jeen. M. 41 aad: Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa ka dayriyay maxaabiis aad u badan oo ku jira xabsiyada kala duwan ee dalka.
  1. 22kii Jeen. M. 41 aad: Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo khudbad u jeedinayay reer Dila ayaa u sheegay,”In doorashadii madaxtinimada ay heleen, laakiin ay amaahiyeen Xisbiga Kulmiye.”
  1. 23kii Jeen. M. 42aad: Waxa halkii ugu darnayd gaadhay hoos u dhacay qiimaha Shillingka Soomaalilaan, iyada oo boqolkii Doollar lagu sarrifayay hal milyan oo Soomaalilaan Shillin ah.
  2. 23kii Jeen. M. 42aad: Ciyaartooy ka tirsadan Ciidanka Asluubtay ayaa shaqadii laga joojiyay.
  1. 23kii Jeen. M. 42aad: Madaxweyne-ku-xigeenka ayaa luuqad adag kula hadlay beelaha ayay dirirtu ku dhexmartay deegaanka Derarwayne, Ceel-af-wayn.
  1. 24kii jeen. M. 43aad: Qiimaha Shilling-ka Soomaalilaan ayaa muddo dhowr bilood ah kor u kac aad u yari ku yimid, iyada oo $100kii lagu sarrifayay 980,000.
  1. 24kii Jeen. M. 43aad: Shaqaale ka tirsan wasaaradda Duulista iyo Hawada ayaa shaqadii laga eryay.
  1. 24kii. M. 43aad: Barqonimo Arbaca ah, Madaxweynaha oo kormeer ku jooga wasaraadda Caafimaadka ayaa iska difaacay dhaliilo uu u soo jeediyay guddoomiyaha mucaaradka ah ee Waddani, isaga oo sheegay, “In dunida aanay waligeed dunida dhicin xisbi doorasho helay; haddana xisbi kale amaahiyay”.
  1. 24kii Jeen. M.43aad: Isla maalintaas Madaxweynaha oo ka hadlaya Wasaaradda Caafimaadka dhexdeeda ayaa waxa uu sheegay, “In ay samayn doonaan sharciga daawoooyinka”.
  1. 24kii Jeen. M. 43aad: Guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in laga tashan doono labada suldaan ee Suldaan Maxamed Cabdiqaadir iyo Suldaan Xasan.
  1. 24kii Jeen. M. 43aad: Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Micheal Keating ayaa qudbad uu ka hor jeedinayay Xarunta Qaramada Midoobay waxa uu sheegay, “ In Soomaalilaand iyo Buntlaand ay ka dhex taagan tahay xaalad murugsani, haddii aan wax laga qabanna maalmaha soo socda uu dagaal ka dhex qarxi karo.
  1. 25kii Jeen. M. 44aad: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Aadan Xaaji Cali, ayaa dhaariyay golaha wasiirada ee cusub.
  2. 25kii Jeen. M. 44aad: Guddoomiyaha xisbiga Waddani ayaa sheegay, “In madaxweyne Muuse la soo hadlay markii ay dhacday dirirtii Derarwayne, Ceel-af-wayn uuna ku mahadsan yahay, laakiin uu kala garanwaayay madaxweynuhu isaga iyo wasiirkiisa arrimaha gudahaha”.
  1. 26kii Jeen. M. 44aad: Qiimaha Shillinka Soomaalilaan ayaa marka kale hoos u dhacay iyada oo $100 lagu sarrifayay 1,015,000.
  1. 26kii Jeen. M.44aad: Warbaahinta madaxa bannaan ee Soomaalilaand ayaa heshay qodobbo ay xukuumaddu ay sheegtay in ay wax kaga qabanayso sicirbararka oo aan la shaacin.
  1. 26kii Jeen. M. 44aad: Danjire Cawil ayaa ugu baaqay madaxweynaha sidii uu dalka u midayn lahaa, waxa aanu kula taliyay in uu wax walba ka horraysiiyo caddaaladda. Halka uu Guddoomiye Cirro u sheegay in doorashadii uu aqbalo in laga guulaystay.
  1. 27kii Jeen. M. 45aad: Madaxweyne ku xigeenkii u horreeyay ee Soomaaliland Xasan Ciise Jaamac ayaa madaxweynaha u soo jeediyay talooyin ku aaddan midaynta shacaybka.
  1. 29kii Jeen. M. 47aad: Madaxweynaha ayaa magacaabay 8 badhasaab, afhayaeen, la taliye iyo guddoomiye ku xigeen hay’adeed.
  1. 29kii Jeen. M. 48 aad: Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo saartay qodobbo ay sheegeen in lagula tacaalayo sicirbararka oo ay ka mid ahaayee: Joojinta adeegada ZAAD IYO eDahab wixii ka yar $100, in dawladda dhexe yeelan doonto hal xisaab  (Account), Qaadka oo cashuurta lagu kordhinayo iyo qodobbo kale.
  1. 29kii Jeen. M. 48aad: Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in maxkamad la soo taagi doono raggii ku dhaawacmay  dagaalkii Dararweyne, Ceel-af-weyn.
  1. 30kii Jeen. M. 49aad: Suldaanka guud ee beelaha Soomaaliland, Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, ayaa sheegay in uu ka noqday shirweynihii beelaha Garxajis isugu imanayeen magaalada Burco. Sidoo kale in uu bulshada ka raalligalinayo hadal dhawaan ka soo yeedhay mar uu ka hadlayay dirirta labada beelood ee ku dagaalamay Derarweyne, Ceel-af-weyn.
  1. 31kii Jeen. M.50aad: Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa xilkii ka qaaday xoghayihii dawladda hoose; magacaabayna mid cusub.
  1. 1dii Feb. M.51aad: Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa sheegay inuu dhiggiisa Soomaaliya kula kulmay magaalada Adiis Ababa; kana wada hadleen arrinka Tukaraq iyo wadahadallada Soomaalilaand iyo Soomaaliya. Sidaa oo kale waxa uu sheegay in heshiiskii Soomaalilaand iyo Khaatumo qodobadii ugu horreeyay dhawaan fuli doonaan(?).
  1. 2dii Feb. M. 52aad: Wasiirrada Waxbarashada ee Soomaalillaan, Soomaaliya iyo Buntlaan ayaa si wada jir ah uga qayb galay shir lagaga hadlayay waxbarashada oo ka dhacay magaalada Abuuja ee dalka Nayjeeriya. Ka qaybgalka shirkaas ayaa muran badan dhaliyay.
  1. 3dii Feb. M. 53aad: Madaxweynaha iyo labada guddoomiye ee xisbiyada mucaaradka ah  ayaa ka qayb galay sannad guuradii 24aad ee ka soo  wareegtay aasaaska Ciidanka qaranka; si wada jir ahna u hambalyeeyay. Madaxweynuhu waxa kale oo uu xadhigana ka jaray dhisme cusub.
  1. 3dii Feb. M. 53aad: Hay’adda Xuquuqal Insaanka Soomaalilaan ayaa dawladda ugu baaqday in jeelka laga sii daayo Niciima Qorane oo ay sheegeen in ay u xidhan tahay wax macnodarro ah.
  1. 4tii Feb. M. 54aad: Madaxweynaha ayaa xafiiskiisa ku qaabilay labada guddoomiye ee xisbiyada mucaaradka ah: Cabdiraxmaan (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali Waraaabe.
  1. 4tii Feb. M. 54aad: Wasiirka Horumarinta Maaliyadda ayaa mar labaad u magacaabay kastamada agaasimayaal iyo ku xigeenno.
  1. 5tii Feb. M. 55aad: Madaxweynaha ayaa kormeer ku tagay xarunta dhexe ee xisbiga Kulmiye.
  1. 5tii Feb. M. 55aad: Xoghayihii hore ee dawladda hoose oo xilka wareejiinaya ayaa soo bandhigay musuqmaasuq baahsan oo ay ku kaceen xildhibaannada golaha deegaanka ee Degmada Hargeysa.
  1. 6dii Feb. M. 56aad: Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa sheegay, “In kulankii ay madaxweynaha la qaateen ay daarnaayeen laba arrimood, kow: In Doorashada Golaha Wakiillada la qabto waqtigii loo qoondeeyay oo ku began bisha Maarij. laba: in wada hadalladii Soomaalilaan iyo Soomaaliya dib loo bilaabo, iyada oo ay waddamo aan hore u jirini hadda wada hadallada ay ku jiri doonaan.
  1. 6dii Feb. M. 56aad: Guddoomiya xisbiga Waddani ayaa sheegay in aanu waxba u arkin shirka ay qabsanayaan beelaha Garxajis oo aanay arrimaha xisbigiisana khusayn.
  1. 6dii Feb. M. 56aad: Markii ugu horreysay waxa la sheegay in manhajka waxbarashada Soomaalilaan lagu dari doono maaddada wadaniyadda (Civic Education).
  1. 7dii Feb. M. 57aad: Xukuumadda Soomaalilaan ayaa go’aammo ka soo saartay “gudniinka fircooniga ah”.
  1. 7dii Feb. M. 56aad: Madaxweynaha ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Amb. David Concar.
  1. 7dii Feb. M. 56aad: Muddo wiig gudihii ah, waxa markii labaad madaxtooyada kulan ku yeeshay: Madaxweynaha iyo labada guddoomiye xisbi mucaarad. Waxa la isla meel dhigay hirgelinta doorashooyinka baarlamaanka iyo golayaasha deegaanka ee waqtigii loo qoondeeyan. Dhanka kale, waxa la isku waafaqay in dhiso guddi 15 xubnood ka kooban oo min 5 xubnood ah si loo xoojiiyo wada shaqaynta axsaabta qaranka.
  1. 8dii Feb. M.58aad: Wasiirka waxbarasha ayaa ka hadlay shir muran badan dhaliyay oo uu kaga qayb galay ee ka dhacay Nayjeeriya, waxaanu difaacay meeqaamka shirkaa ay Soomaalilaan ku lahayd.

La soco…

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.