Xuska Shuhadada Ee17 Oktoobar Maalin Dagaal Dhacay Maaha,Sanadguuro La tirsadona Maaha

0
Xuska Sannad-guuradii 34-naad Dagaalkii Burco-Duurray 1984

Hargeysa(Sayruuq)-Munaasabadda Xuska Shuhadada SNM ee 17 Oktoobar sida sanadahan dambe dadka qaar u fahmeen iyo sidii loogu talogalay ayaa waxa ka jira marinhabow u baahan in ra’yul caamka laga jahli saaro.

17-ka Oktoobar waa maalin loo asteeyey in lagu xuso dhamaan mujaahidiintii ku shahiiday halgankii SNM min bilow ilaa dhamaad (1981-1991).

SNM waxa lagu dhawaaqay April 6,1981.Halgankii hubaysnaana waxa uu si rasmi ah u curtay 1982,isla sanadkaasna waxa gudaha dalka Somaliland ka bilaabmay gadood shacbi oo si teel teel ah u dhici jiray kaasoo uu ugu muhiimsanaa dhagaxtuurkii ardayda ee ka dhashay xadhigii kooxdii UFO.

Todoba sanadood oo halgan hubaysan ah ka dib waxa dhacay guda-galki weynaa ee May 1988 kaasoo ay SNM dhulka Somaliland intiisii badneyd kaga xoraysay ciidamadii kalidii-taliyihii Siyaad Barre ee Somalia, guushaasi oo ay SNM si buuxda oo kama danbeys ah u hanatay bishii January 1991 ka dib markii ay gacanta ku wada dhigtay dalkii hore loo odhan jiray British Protectorate of Somaliland (xeebta galbeed ciidamadii Faqash ee halkaas u firdhaday waxa  laga safeeyey badhtamihii February 1991).

Dadkii ku shahiiday halgankaasi tobanka sanadood socday ee SNM horseedka u aheyd ee lagula dagaalamayey taliskii Siyaad Barre, ayaa hadaba loogu talogalay in lagu xuso laguna xasuusto  marka la joogo maalinta 17 Oktoobar ee sanadkasta.Sababta xuska Shuhada loogu aqoonsaday inuu noqdo 17 Oktoobar waxa ka mid ah iyadoo maalintaasi aheyd markii ugu horaysay ee ciidan SNM ah oo isku-dhafani (integrated) uu dagaal wada galo isla markaana tiradi ugu badneyd ay goob dagaal oo kaliya kaga wada shahiiddo.Dagaalkaasi waxa uu ahaa kii meesha la yidhaahdo Burco-Duuray 17 Oktoobar ku dhexmaray Guutadii Sayid Cali ee SNM iyo ciidamamo sadex raac oo kala dambeeya u habaysnaa oo ka tirsanaa militarigii dawladdii Siyaad Barre, dagaalkaas oo ay SNM kaga shahiideen sodomeeyo mujaahid oo ay ka mid ahaayeen Lixle iyo Xaamud.

Laakiin xuska shuhadada ee 17 Oktoobar maaha mid loogu talo-galay dagaal maalin dhacay iyo sanad-guuro la tirsado midkoodna.Sido kale munaasabaddan looguma talogalin in cid loogu faano ama midnimada shacbiga Somaliland lagu wiiqo.Sidaas darteed waxa haboon in markasta la dhawro milgaha iyo qiimaha uu leeyahay xuska shuhadadu oo uu noqdo mid uu ka reebanyahay yooyootanka siyaasada ee madaxda dawladda iyo axsaabtu caaadeysteen inay munasabaddaasii qaaliga ah la dulyimaaddaan.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.