Xuska 31-Guurada Maalinta Shuhadada Ee SNM (17/10/1984kii – 17/10/2015ka : Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale (Q 2aad)

0
Xuska Sannad-guuradii 34-naad Dagaalkii Burco-Duurray 1984

“Mar haddaan hillaab lagu gudbayn, giriftan mooyaane,

Gebgebteedu waa xubin intay, gawrac leedahaye,

Geeddiga cagaa daaliyaa, lagu geyoodaaye,

Gellimaadka hayskaga jirtiyo, goosan-habaqlaaye,

Gubuxsiga mar uun bay tirsiga, meel ka soo geliye,

Gar-garaaciddeediyo ha deyn, geed-ka-didinteeda,’’

 

Gud-gude, Hadraawi, 1990kii

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Qormada: 2aad

11/10/2015ka, Hargeysa,

 

Yuusuf Meydal Cumar isaga oo meel fog oo hortiisa ah eegaya anna aan is-leeyahay muuqaalladii maalintaas ayaa hadba sidii hillaaca u soo maraya, ayuu iigu jawaabay:

“Waxaanu ka war-qabnay dareenka guud sidii uu ahaa, wararkii ay na siinayeen dadkii reer miyiga ahaa ee aanu la degganayn iyo annaga oo arkaynay in ay naga dul guurayaan oo dareen galay. Waxaanu dareensanayn in ay dadku wararka ka helayeen Qol-buulalle oo ay ka war hayeen in meesha lagu soo kordhay. Sidaa awgeed ayuu dareenka nagu jiray u ahaa in uu weerar na qabsan doono.”

Halkaa markii uu marayay, waxaan Yuusuf Meydal Cumar ka wareystay goortii la soo weeraray iyo laxaad-beenaadkii cadawga la soo majaro-habaabiyay. Sidan ayaan maalintaa su’aasha ugu dhigay:

Goor ma ayaa la idin soo weeraray?

 

Mujaahid Yuusuf Meydal Cumar isaga oo magan u ahaa xusuustiisii dihineyd ee maalintaa iyo goobtaa taariikhiga ahayd, wuxu si kalsooniyi ku dheehan tahay iigu jawaabay:

“Waxa nala soo weeraray markii ay saacaddu ahayd 1.17 daqiiqadood ee gelinkii danbe. Waxaanu ahayn saddex Urur. Waxaanu ahayn Ururka 1aad oo Cabdirasaaq Maxamed Cali haystay, Ururka 2aad oo Cabdikariim Xaashi haystay, Ururka 3aad oo Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) Taliye Urur u ahaa, taliye guudna uu saddexdayada Ururba u ahaa”

Bal hadda aan eegno Mujaahidiintii goobtaa cadawga ku haleeshay sidii ay u hubeysnaayeen. Waa kan Yuusuf Meydal Cumar oo aynu gaaxdiisii sii maallaa, waxaanu intaa hore ku kabay:

“Hub waxaanu ka haysannay hubka fudud ee loo yaqaan ‘small arms’. Waxa noogu weynaa qoryaha loo kala yaqaan sebenka (Baasuuke) iyo BKM-ka. Waxa kale wuxu ahaa qoriga AK-ga ee aanu Dugsigii Tababarka kala soo baxnay kaas oo loo yaqaannay ‘Nuur-Madoobe.”

Haddii ay Mujaahidiintii naf-hurka iyo geesinnimada aan wax loo dhigaa jirin ku dagaallamaysay sidaa uu Yuusuf Meydal Cumar sheegay u hubeysneyd, ciidammadii cadawga ee hooyo-boobyada ahaa maxay ku hubeysnaayeen. Waa tan war-bixin laga soo xigtay Ibraahin Kood-buur oo uu soo tebiyay Yuusuf Meydal Cumar waxaanu yidhi:

“Sidii uu ku war bixiyay Ibraahin Kood-buur, cadawgu wuxu ka koobnaa 500 oo askari. Waxay wateen gawaadhida gaashaaman oo ahayd 10 Beebbee, 4 Jiib, 2 Shilke, 2 Zuu iyo laba Toyote oo xanbaarsanaa laba qori oo ‘Brown’ ah.”

Waa halkii Maxamed Ibraahin Warsame, Hadraawiye aan idhaahdo:

 

“Haki Maxamed Genyada,

Hasha Goray u yeedh-yeedh,

Godol oo u gaal-gaal,

Gabantana ka yara celi,”

Maxay SNM ku sugnayd:

 

Bal hadda sheekadaa ka yara nasta ama haddaad doontaanba ku yara raasukha oo inta aan ka rogo aan laba saaro. Maxay xilligaa SNM ku sugnayd? Ma u baahan tihiin in aan sawir guud idinka siiyo si aad sheekada isugu xidhataan. Waxay ila tahay in jawaabtiinnu tahay haa. Waa tahay. Bal hadda tanna dhegta u raariciya ama indhahaba ku daalacda.

 

Waxaynu ka hadlaynay 17kii Oktoobar 1984kii oo ku suntan Maalinta Shuhadadii SNM. Weliba maanta waa 27-guuro oo maalmaha iyo sannadahaba kuma jirto. Ilaahay baa inagu simay. Maalintaa 72 maalmood ayaa laga joogay Shirweynihii 4aad ee SNM oo ka furmay magaalada Jigjiga Xaruntii Gaaskii 10aad ee Ciidammada Itoobiya. Shirweynahaa 4aad wuxu furmay 6dii Ogos 1984kii. Shirweynahaa 4aad Shahiid Cabdilqaadir Koosaar Cabdi ayaa xilkii Guddoomiyennmo ku wareejiyay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Shahiid Maxamed Xaashi Diiriye, Lixle, wuxu ka mid ahaa Guddidii Fulinta ee markaa xilka wareejisay isaga oo gacanta ku hayay Ciidammada Xoreynta ee SNM. Haddii aanay xusuustaydu I dagayn Shirweynahaba kama soo qayb-gelin oo wuxu ku sugnaa oo la joogay Ciidammada Awaare ku tabobaranayay.

 

Dugsigaa Tababarka ee Awaare waxa la furay bishii Abriil 1984kii oo uu halkaa ku qabsoomay Kal-fadhigii 3aad ee caadiga ahaa ee Gole Dhexe oo go’aammo badan oo dhaxal-gal ahaa lagu gaadhay, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:

 

Calankii SNM oo markii ugu horreysay la oggolaaday,

Awaare oo laga dhigay Xaruntii Ururka SNM,

Awaare oo markii ugu horreysay laga furay Dugsigii tababarka Ciidammada,

La-wareegidda baabuurtii Toyotaha ahayd ee dadweynuhu lahaa si qoryo loo saaro, iyada oo markiiba halkaa lagu soo xereeyay ila 64 baabuur oo Toyota ah,

Go’aammadaa iyo qaar kale oo badan ayaa halkaa lagu gaadhay. Beryahaas oo uu SNM Guddoomiye u ahaa Cabdilqaadir Koosaar Cabdi, Ciidammada Xoreynta ee SNM waxa Xoghayaha Ciidammada Xoreynta ee SNM ahaa Maxamed Xaashi Diiriye, “Lixle”. Waa sida uu markii danbe Awaare ku tegayo ee uu ciidankii ugu horreeyay ee ka baxa Taliyaha ugu noqonayo.

 

Haddii aanan qaldanayn waxa kale oo xusid mudan in sannadkaa 1984kii ahaa sannadkii ay is-gaadhsiinta SNM ugu fiicnayd oo xarumaha iyo saldhigyada intooda badan meel walba radio ‘rakaal’ ahi yaallay.

 

Bal hadda aan waxoogaa aan badnayn ku hakanno Shirweynihii 4aad ee SNM iyo xanaftii ka dhalatay ee saamaynteeda ku yeelatay SNM. Markii Shirweynihii dhammaaday maalmo ka hor badhtamihii bishii Ogos 1984kii, waxa dhacday in qawad iyo saluug ka yimid qayb ka mid ah SNM oo shir ku qabsatay meel la yidhaahdo Laan-qayrta Doonbiraley. Iyada oo ururka SNM ku soo caano-maalay isu-joojinta iyo wada-hadalka wefdi uu Guddoomiyihii SNM hoggaaminayay oo madaxdii ururku u dhan tahay ayaa halkaa tegay. Ka mid baan ahaa wefdigaas oo xog-ogaal ayaan u ahaa waxyaabihii halkaa ka dhacayay ama ka socdayba. Muddo aan is-leeyahay malahayga bil waa ay ku dhaweyd ayaanu halkaa ku sugnayn oo lagu wada hadlayay. Meel wanaagsan ayaa wax la isla meel dhigay, go’aammadii ugu mudnaa ee halkaa ka soo baxayna waxa ka mid ahaa sees-u-dhigiddii iyo samayntii Golaha Guurtida oo markii ugu horreysay Guddoomiyihii iyo Guddidiiba halkaa lagu magacaabay.

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.