Xuquuqda Dumarka Gaalada

0

Xuquuqda Dumarka Gaalada

Islaantaan waxay November noqonaysaa 55 sanno jir, waxay noqotay: Mayor, Wasiirka Caddaaaladda, Af-hayeen madexweyne iyo hadda oo ay tahay Xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka midawga Yurub metelaysana Faransiiska.

Magaceedu waa Rashiida Dati, waxaa iska dhalay aabbo Marookaana iyo hooyo Aljeeriyaan oo Muslin faqriya waxayna ku soo koriyeen silic iyo rafaad. Iyadoo dhawr iyo 20 jira bay wiil Aljeeriyaan ah oo muslina is guursadeen waxayna wada joogeen wax ka yar hal maalin kaliya iyadoo mar danbe sheegtay inayan ku faraxsanayn guurkaas oo habeenkii arooska ay ciil kaanbinaysay, deedna go’aansatay inay ka tagto waagu markuu baryo.

Muddo dheer ka dib, Rachida Dati iyadoo jirta 43 sanno bay isku aragtay uur, waxayna garan wayday ninka uureeyay maadaama ay rag badan la socotay. Dhashay oo single Mother noqotay, gabadheediinna ula baxday Sahra Dati. Shiddaba ugama horayn diiwaan gelinta ilmaheeda magacay ula baxday. Waa la daba dhigtay oo warbaahintii waxaa cinwaan looga dhigay ilmahayagii ay ku dhashay dalkayaga ayay magac muslin u bixisay, waa warey war qoftaan dooranaynay oo wax walba ka dhigaynay illayn wali dhaqankii waalidkeed ee waqooyiga Afrika bay ku dhegan tahay. Naftii markii loo keenay ilmuhunu jiro 4 sanno bay raggii ay la tuman jirtay kii ugu taajirsanaa ku dhegtay oo lagu magacaabo Dominique Desseigne, oo ah oday ay ka dhimatay islaan lacag lahayd oo ka ganacsada khamaarka. Mr Desseigne ha dhaho: naa ha igu soo dhicin ugu yaraan 8 nin oo hebel iyo hebel baad la socotaye, dacwad dheer ka dib maxkamad baa tidhi DNA ha laga qaado. Waddanka Fransiiska sharcigiisa qofka diida in DNA laga qaado waxaa la xukumin in uu qaato ilmaha sidiibaana gabadhii yarayd oo jirta 7 sanno loo yidhi aabbahaa waa ninkaas.

Xoriyadda iyo xuquuqda dumarka nala ku wareeriyo waa sheeko raqiisa oo maskaxda dunida seddexaad looga qabsado. Waxaa mar walba na lagu dhurraa qofka xor buu u yahay diintiisa, dhaqankiisa iwm, haddana tii ka gaadhay heer wasiir ayaa lagu qabsaday magac bixin ilmo ay kaligeed dhashay.

WQ: Aadan Mohamed

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.