Xukuumadda Somaliland Oo Su’aal Galisay Sababta Boqolaal Tan Oo Qaad Ahi U Soo Galo Dalka, Ganacsiga Kalluunkuna Xuduudka Wajaale U Dhaafiwaay

0

“Itoobiya Maalin Kasta Waxaa Inaga Soo Gala Kumanaan Tan Oo Qaad Ah Laakiin Inaga Kalluunkeenu Wajaale Ma Dhaafi Karo..” Wasiirka Kaluumaysiga
Hargeysa (Sayruuq)-Wasiirka Kaluumaysiga iyo khayraadka badda ee Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed) ayaa walaac wayn ka muujiyey sad-bursiinyaha dhaqaale ee ay dawladda Itoobiya ka hesho gacansiga Somaliland iyo Itoobiya u dhexeeya, waxaana uu wasiirku si qayaxan u sheegay inaanay dawladda Itoobiya ogolayn inay kalluunka Somaliland ka gudbo xadka wajaale.

daawo-maalin-walba-somaliland-wa-735×400
Wasiirka Kaluumaysiga oo ka qaybagalay carwada kaluunka Somaliland ayaa isbar-bar dhigay isu socodka ganacsi ee labada dal, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “waad ogtihiin oo maalin walba waxaa halkan soo gala kumanaan tan oo qaad ah, khudaar iyo sibidh, annaga (Somaliland) dhibaatada na haysata waxay tahay inaan kalluunkayagu Wajaale ka gudbi karin shraciyada xagooda, markaa waxaanu fursadan oo ilaahay nagu soo beegay ka codsanaynaa wasiirka Ganacsiga ee dawlad deegaanka Itoobiya uu nagala hawlgalo sidii kalluunkaasi deegaankooda u gali lahaa, waayo inaguna kalluunka iibkiisa ayaynu u baahanay iyaguna cunitaankiisa ayay u baahan yihiin, subixii marka uu Berbera ka soo baxo duhurkii magaalooyinkiina oo dhan ayuu jooga fursdaasina waa fursad qaali ah ee aynu ka faa’iidaysano” ayuu yidhi Cali Jaamac Buureed.
Guud ahaan lacag qadar ahaan gaadhaysa saddex boqol oo kun oo dollar ayaa la sheega inay habeenkii ay u baxdo Itoobiya lacagtaas oo ah tan ka soo baxda qaadka, waxaana la tilmaamaa in xadiga cashuureed ee lacagtaasi laga qaadana uu aad u kooban yahay, halka ganacsiga Somaliland ee Itoobiya u gudbaana uu aad u yaryahy halka aanu mararka qaarna jirinba. Arrintaas ayaa keentay sad-bursiinyo ay dawladda Itoobiya ka hesho xidhiidhka labada dhinac halka ay lafjab-na ku tahay dhaqaalaha qaranka Somaliland.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.