Xukuumadda Somaliland Oo Sharaxday Dadka Aan Ku Jirin Ajaanibka Dalka Laga Saarayo

0

Hargaysa (Sayruuq):- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa daboolka ka qaaday in aanu saamayn doonin dadka ajaanibka ah ee jooga Somaliland ee loo aqoonsaday inay qoxoonti yihiin iyo kuwa magan-geliyadda siyaasadeed ku jooga, go’aankii ay dhawaan xukuumadu soo saartay ee lagu amrayay dadka ajaanibka ah inay dalka ka baxaan.

Kuwaasi oo ay ka mid yihiin qaxontiga u dhashay dalka Yeman ee Somalialnd u soo qaxay, kuwaasi oo ah tiradda dadka qoxoontiga ah ee ugu badan, iyo sidoo kale dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya ee wakhtiyadii ay dagaaladu ka socdeen Soomaaliya u soo qaxay Somalialnd, iyo dhamaanba dadka kale ee iyagna loo aqoonsaday in ay magan-geliyo siyaasadeed ku joogaan dalka.

Sidaasina waxa sheegay wasiirka wasaaradda dib-u-dejinta Somaliland Cali Siciid Raygal, oo shalay xafiiskiisa ugu waramay wargeyska DAWAN, isagoo xusay in dadka ka soo qaxay Soomaaliya ay ku kala aragti duwan yihiin Somaliland iyo UNHCR, iyadoo Somaliland ay u aqoonsan tahay ajaanib, halka hay’ada qaramadda midoobay u qaabilsan qaxoontiga ee UNHCR ay iyadna u aqoonsan tahay baro-kaceyaal gudaha ah.

Cali Siciid raygal, oo ka hadlayay sida aanu u saamaynaynin dadka qoxoontiga loo aqoonsaday go’aanka xukuumadda ee ajaanibka dalka jooga lagu amray in ay dalka kaga baxaan muddo bil ah, waxa uu yidhi “Is-ma saamaynayaan labadan arrimood. Tusaale ahaan dadka qoxoontiga ah ee Yeman ka yimid, ama dadka kale ee magan-geliyo doonka ah, ee wadamadda kale ka yimid waa dad la ogyahay in ay qoxoonti yihiin. Qaxoontiga Yeman ka soo qaxay waa dad la ogyahay in dalkoodii mashaakil ka dhacay. Somaliland-na dalkeeda way ku soo dhawaysay, waxaana la siiyaa waraaqda aqoonsiga qoxoonti-nimadda. Waana dad ay ogtahay xukuumadu, shacbiga Somaliland-na uu ogyahay, mana aha dadka la saarayo, ee iyaga la doonayo in ay sharci la yimaadaan. Iyaga sharcigoodu waxa keliya ee uu yahay aqoonsiga qoxoontinimo ee la siiyay, ee cadaynaya in la qaabilay.

Markaa dadka laga hadlayaa ma aha dadka qoxoontinimadda ku jooga dalka, ama dadka magan-geliyo doonka ah ee nabadgelyadda soo waydiistay Somaliland, labaduba waxay leeyihiin sharci ogolaanshiyo ah oo ay dalka ku joogaan, oo xukuumadda Somaliland iyo hay’adda UNCHR ba ay is-la ogyihin in ay aqoonsi haystaan”.

Wasiirka oo ka hadlayay kuwa ay yihiin dadka ajaanibka ah ee lagu amray inay dalka ka baxaan, waxa uu yidhi “Dadka lagu amray inay dalka baxaan, waa kuwa intaa ka baxsan, ee aan qoxoonti ahayn, ama aan ahayn dad nabadgelyo doonka ah, wixii intaa ka baxsan weeyi dadka amarku ku socdaa.”

Cali Siciid Raygal, oo la waydiinay in dadka ka soo qaxay koonfurta Soomaaliya ee degan Somaliland ay ku jiraan dadka ajaanib ka ah ee lagu amray in ay dalka baxaan, waxa uu ku jawaabay “Dadkaasi ka soo qaxay koonfurta Soomaaliya way jiraan oo muddo hore ayay dalka yimaadeen, markii ay dagaaladu ka socdeen Soomaaliya waa dadkii ka soo qaxay. Somaliland-na way qaabishay, oo si wanaagsan ayaa loo dejiyay, oo loo ilaaliyaa. Dadkaasi Somaliland waxay u aqoonsatay inay yihiin dad ajaanib ah, oo aan Somaliland u dhalan, waana sida ay yihiin, sharciga Somaliland na sidaas ayuu cadaynayaa.

Hay’adaha caalmiaga ah sida UNHCR way diidan yihiin inay qoxoonti yihiin, waxaanay u aqoonsatay IDPs, (dadka gudaha wadanka ku barro-kacay), oo way diidan tahay inay qoxoonti yihiin. Hase yeeshee, waxaanu imika isla ogolaanay, oo aanu is-la qaadanay, in aanay Somaliland marnaba aqbalaynin in ay yihiin dad IDPs ah, ee ay yihiin dad ajnabi ah. Markaa Somaliland awalba dadkaa way ilaalin jirtay, qoxoonti in ay yihiin ayaanay u aqoonsan tahay, goobo mucayin ah ayay degan yihiin, oo aamaankooda iyo daryeelkoodaba waa la ilaaliya, halkaas ayaanay iyagu joogayaan oo lagu ilaalinayaa sidoodii caadiga ahayd ayay u deganaanayaan, mana aha dad ay hadda dhibaato ka taagan tahay joogitaankooda”ayuu yidhi wasiirku.

Waxa kale oo uu wasiirka Dib-u-dejintu intaas ku daray, in dadka ka soo jeedda dalka Itoobiya ee degan Somaliland oo u badan Qawmiyadda Oromadda in iyagna sidoo kale aanay Somaliland qoxoonti ahaan u aqoonsanayn maadaama oo aanay jirin wax dhibaato ah oo dalkoodda ka taagan. Isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Itoobiya waa dal aynu deris nahay, dal ay dagaal iyo dhibaatooyin ka socdaana ma aha, sabab ay dadkoodu u soo qaxaan, oo ay Somaliland u yimaadaana ma jirto. Marka ay dadku ka soo qaxayaan dalkooda ee ay nabadgelyo doon yihiin, ee ay u soo qaxayaan dal kale, waa in dalkoodii ay dhibaato ka jirtaa, dhibaatadaasi nooca ay doonto ha haato, waa inay jirtaa sabab cad, markaa Itoobiya waa dal aynu jaar nahay, dhibaato aynu ognahayna kama jirto, waa dal degan oo amaankiisii sugan yahay.Sabab loogu qaabilo qoxoontinimo ama dad nabadgelyo doon ah loogu aqoonsadaana wakhti xaadirkan ma muuqato, balse haddii ay jiraan dad iska dhibaataysan oo Somaliand hoe u joogay, sidii ay markii horeba u joogeen oo la siiyay sharciyad ay wadanka ku joogaana waxay u badan yihiin dad shaqaale ah, oo rag iyo dumarba leh, kuwaasina xaq waxay u leeyihin in xuquuqdoodda sharci ee ay deganaansho dalka ku joogayaan in la siiyo, iyadoon cidina wax dhibaato ah u gaysanaynin. Laakiin, waxa laga hadlayaa waa wixii sharci darro dalka ku soo gelaya ama ku joogaya.”

Wasiirka dib u dejinta oo la waydiiyay tiradda qoxoontiga u dhashay dalka Yemen ee Somaliand jooga iyo sababta loogu samayn waayay xeryo-qoxoonti, waxa uu yidhi “Inta badan way socdaan, maalin walba way yimaadaan, Berbera ayaa ugu badan meelaha ay ka soo dean, waxa kale oo ay ka soo degaan Saylac, imikana dadkii Yemaniyiinta ahaa, ee markii hore Boosaaso iyo xagga Puntland ka degay, ayaa imika waxay codsadeen in Somaliland lagu qaabilo, markii ay amaankeeda iyo deganaanshiyahdda ku qanceen. Tiradoodu qiyaastii wa ailaa saddex kun oo qof, ayay gaadhayaan inta hadda Somaliland ku sugan ee qoxoontinimo ku soo gashay.”

Mar uu ka hadlayay wxyaabaha ay wasaaradda dib-u-dejintu u qabato ama ka caawiso qoxoontiga ka soo qaxay dalka Yeman ee ku sugan Somaliland, waxa uu ku jawaabay “Dawlad ahaan dadka qoxoontiga ah Somaliland way qaabisshay, waanay soo dhawaysay. Madaxweynaha Somaliland-na waxa uu ku dhawaaqay inay qoxoontinimo u aqoonsatay Smaliland daryeelkooda iyo nabadgelyadoodaba waa la ilaaliyaa, adeegyadda bulshada wixii loo qaban karo ayaa loo qabtaa.Dadka qoxoontiga ahina waa wax caalamka oo dhami aqoonsan yahay, hay’ada UNCR ayaanay masuuliyadi ka saaran tahay, iyaduna dedaal badan ayay muujisay lacago ayay siisay, raashin ayaa loo qaybiyay, waxa kale oo jira hay’ado islaami ah oo dalka ku sugan, oo iyaguna caawimooyin kala duwan ayay siiyaan, dedaal abdan ayaana loo samaynayaa. Laakiin arrinta jirtaa waxay tahay, weli marka la eegayo sharciga caalamiga ah ee qoxoontiyadda, tiradii la donayay ee lagu aqoonsan lahaa, ee xerooyin loogu samayn lahaa la dejiyo weli may gaadhin.

Markaa weli waxaa dhiman tiradii xerooyin loogu smaayn ahaa. Inta ay tiradaa gaadhayaan dhul lagu ogaanayo ayaa la dejinayaa, laakiin marka ay tiradaa gaadhaan meelo magaalada ka baxsan ayaa la dejin doonaa, oo xerooyin ah”ayuu yidhi wasiir Raygal.

XIGASHO:WARGEYSKA DAWAN

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.