Xukuumadda Somaliland Oo Markii U Horreysay Naqdiday Weedho Ku Jiray Khudbad Uu Xirsi Khamiistii La Shir Yimi Oo Ay Nasiib-darro Ku Tilmaantay Farriinta Ay Xambaarsanayd

0

“Allah Baa I Dilayee Maan Filayn In Rag Ay Ummaddu Taqaano Ay Isku Dhereriyaan Oo Xag-Xagtaan Geesi Aanay Gaadhi Karin”
“Tartanka Hanashada Xukunka In Bulshada Laga Dhex Ololeeyaa Waa Mid Furan, Laakiin Waa Xaaraan In Mashruuc Laga Dhigto Milgodarrada Lafjabka Ku Ah Damiirkeena”

Wasiirkii Ugu Horreeyey Ee Xukuumadda Ka Tirsan Xukuumadda Oo Filan-Waa Ku Tilmaamay Farriin Ay Xambaarsanayd Khudbada Xirsi

Bristol (Sayruuq)- WAsiir ka tirsan xukuumadda Somaliland ee uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo ayaa si adag u duray hadallo nuxurka hadalladii uu wasiirkii hore e emadaxtooyada haatanna ku magacaaban hoggaamiyaha xisbiga WADDANI uu dorraad khamiistii kaga tiraabay xafladdii daah-furka qaybinta kaadhadhka codbixinta ee lagu qabtay Magaallada Boorama. Wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta qaranka Somaliland Amb. Keysar Cabdillaahi Maxamed oo farriinqoraal ah ku baahiyey barta uu Facebook-ga ku leeyahay ayaa nasiib darro ku tilmaamay in musharraxa xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ay isku dhereriyaan fagaareyaashana kula murmaan shakhsiyaad uu sheegay in ay kamid yihiin kuwii madaxweyne Siilaanyo ku wacad furay ee xilalkii qaranku ku aaminay ku badhi furay, isaga oo wasiirku bulshada ugu baaqay in aan loo dulqaadan in xubnahaasi oo dabcan hoggaamiyaha WADDANI ugu horreeyaa isku dhereran shakhsiyadda iyo sooyaalka halgan ee Musharraxa madaxweynaha KULMIYE ugu duugan taariikhda. Waxaana Wasiir Keysar uu qoraalkiisa oo cinwaan uu uga dhigay Somaliland Ninkeed Cuna! uu ku bilaabay sidan:

Isku dhererinta, is canjarafaynta, Xag-xagashada Mudanka iyo Ceebaynta Geesiyaasha Naftoodii, Muruqoodii iyo Maskaxdoodii u soo huray Neecawda Xornimo ee aynu maanta hadhsanayno ilaa maantana u heegganka ah ayaa wax caadi ah ka noqotay Dalkeena Hooyo, waxaa Nasiib darro aad u weyn ah inay imika wax caadi ah Dalkeena ka noqotay in Inan yari intuu Madal ka dhex kaco uu si kibir ku jiro oo bilaa ixtiraam ah u Canjarafeeyo ama u xagxagto oo uu Isku dhereriyo Geesi Dalkan u soo rafaaday oo ka Qiimo badan oo ku sawiran Qalbiyada waxgaradka ah iyo Muwaadin kasta oo Xalaal ah oo Damiirkiisu uu nool-yah oo fahmsan Abaalka, Sharafta iyo Haybada ay Halyeey Muuse Biixi Cabdi iyo Geesiyaasha la midka ahi Ummadeena ku leeyihiin.

12278621_10207498363051073_3025732632452626587_nWax Caadi ah ayay iska noqotay in Dalkeena si yar loo Canjarafeedyo Geesiyaasha Qaran ee Dalkeena oo imika aad arkayso sida ay u dhaqmayaan qaar ka mid ah kuwii Hantida Ummada urursaday ee Xilkii Madaxweynaha Qaranku ku aaminay si shakhsi ah oo Damiir-xumo ku jirto uga faaiidaystay ee ka hodmay, markii danbana dhigay Shirqoolkii dhagaraysnaa ee Isku dayay inay Dumiyaan Dawlada oo ay Afka Ciida u daraan Madaxweynihi Aaminay. Taasoo Waayo Aragnimada iyo Rug cadaanimada Madaxweynaha Somaliland aynu ku badbaadnay. Allah baa I dilayee maanta maan filayn in Rag ay Ummaddu taqaano ay isku dhererin doonaan Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, Marnba ma filaynin in Halyeey Muuse Biixi Cabdi ay xagxagan doonaan kuwii Siyaad Barre hoos joogay ee daba-dhilifyada u ahaa xiligii Halganka Xornimo lagu jiray ee maalin kasta duraya Geesi aanay gaadhi karin. Waxaan usoo jeedinayaa Ummada reer Somaliland inay ka dhiidhiyaan oo aanay u dulqaadan in la xagxagto Geesiyaasha usoo halgamay Xorriyada aynu maanta haysano. Waxaa Waajib ku ah Muwaadin kasta oo Xalaal ahi inuu u fiirsado kuwa Codka ka doonaya oo ay dib u eegaan taariikhdooda iyo waxay Qaranka usoo qabteen. Tartanka Hanashada Xukunka iyo in la doodo oo Bulshada laga dhex ololeeyaa waa mid furan, laakiin waa Xaaraan in mashruuc laga dhigto Cayda iyo Milgodarrada lafjabka ku ah Damiirkeebna Ummadnimo. Waxaynu u baahanahay inaynu ka korno dhaqankan caadada inoo noqday ee la hilmaamayo qofka taariikhdiisa iyo waxa uu Ummada u qabtay. Ragna Dhaqashuu kuugu DhabarJabay, Ragna Dhuuni ayuu kuu Dhex-joogaa, Allow Eex ma Tiraabine Aqoon haygu Cadaabin”

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.