Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Ciidamo Loo Qorayo Dalka Sucuudiga

0

Hargeysa(Sayruuq)-Wasiir ku xigeenka wasaarada Arimaha Dibada Somaliland Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse) ayaa beeniyay in Xukuumada Somaliland Gobolada dalka ka qorayso ciidan la dagaalama xuutiyiinta Yaman oo sucuudigu dabada ka wado. Isla markaana wuxuu sheegay in aanu jirin warkaasi, muhiim-na tahay in axsaabta mucaaradku iska hubiyaan warka beenta ah.

Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse) ayaa cadeeyay in warkaasi ay baahiyeen dad aan waxba ka ogayn xaalka dalka,shacabkana ku Jahwareeriyeen sida uu tilmaamay wararka xaqiiqada ka fog waxaana uu yidhi isagoo arrimaha ka hadlaya “Hadaanu nahay Wasaarada arimaha Dibada iyo xukuumada Somalilandba waxaanu idiin sheegaynaa inaanay waxba ka jirin halkana ka cadaynaynaa waxa ciidan ah oo la qoray oo sucuudiga la gaynayo ama dagaal kale lagaynayo waxba kama jiraan, arinkaasina waxaan u arkaa mid ay baahiyeen dad aan xaalka waxba ka ogayn.”Ayuu yidhi Axmed Keyse waxaanu hadalkiisii sii raaciyay ”Nimanka caadaystay niman odhan maayo masuuliyiinta Xisbiyada mucaaradka waliba wada odhan maayo ee qaarkood waxa ay soo cel-celiyaan in ciidamo laga qorayo Somaliland kuwaas oo lagaynayo sucuudiga shacabka Somaliland waxaan leeyahay waxaasi waxba kama jiraan waa been qaawan.”

Sidoo kale, wuxuu Axmed Keyse cadeeyay inuu warkaasi yahay mid aan sal iyo raadtoona lahayn, wuxuuna farrin u diray shacabka reer Somaliland “Shacabka waxaan u cadaynayaa inaanay waxba ka jirin oo warkaasi yahay been cad, masuuliyiinta mucaaradka waxaan fari lahaa in ay ka waan toobaan waxaan jirin ee ay dalka ka fidinayaan dalka Somaliland.

Masuuliyiinta mucaaradka Somaliland ayaa sheegay in ay Xukuumadu u qorayso dalka Sucuudiga ciidamo la dagaalama Xuutiyiinta oo laga qorayo Somaliland iyo Somaliya.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.