Xukuumadda Oo Ka Hadlay Raggii Saraakiisha Dilay

0
Xukuumadda Oo Ka Hadlay Raggii Saraakiisha Dilay

Xukuumadda Oo Ka Hadlay Raggii Saraakiisha Dilay

Maxamed Axmed Caalin Tiimbarow guddoomiyaha gobolka Sanaag oo la hadlayay Idaacadda VOA ayaa sheegay in ay baxsadeen nimankii dilay laba sarkaal oo boolis ah “Way baxsadeen oo buuraha ayay galeen laakiin, gaadiid ay isticmaalayeen baa la soo helay laba ka mid ah,” ayuu yidhi Mr Tiimbarow.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay xaaladda degdegga ah ee lagu soo rogay magaalooyinka Ceerigaabo, Ceelafweyn iyo Garadag qayb ka tahay dadaallada loogu jiro in la soo qabtay dablayda saraakiisha dilay oo uu tilmaamay in ciidamada iyo shacabba ku daba jiraan.

Badhasaabka Sanaag wuxuu sheegay in nin ku dhintay xabsiga Ceerigaabo loo aanaynayay labada sarkaal in ay markii hore soo qabteen sidaasna loo beegsaday.

Laba sarkaal oo Salaasadii lagu dilay degaan ka tirsan degmada Ceelafweyn ayaa lagu aasay degmada Oog waxaana la sheegay in ay wasiirro dhawr ah oo xukuumadda ka tirsan ka qayb galeen aaska.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.