Xukuumadda oo Amar Culus ka soo Saartay Khasaaraha Shilalka ka Dhasha Gaadiidka Waaweyn ee Dalka

0

Wasiirka Daakhiliga oo ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka ku dhalliilay shilalka gaadiidka iyo masuuliyad-darrada darawaliintu sameeyaan

  • Wasiir Cali Warancadde iyo Taliyaha Booliska oo amar ku soo rogay gaadiidka turuska birta ah leh
  • Khasaaraha shilalka gaadiidka iyo saddex marxuum oo aas qaran loo sameeyey shalay

Hargeysa (Sayruuq)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeyo Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa amar ku soo rogay gaadiidka waawayn ee wajahadda hore loogu sameeyo turuska birta ah, kadib khasaare culus oo ka dhashay shilal ay gaysteen.

Wasiirka Daakhiliga iyo Taliyaha bolis

Wasiirka iyo Taliyaha oo ka mid ahaa madax fara badan iyo kumanaan qof oo ka qaybgalay aas qaran oo xabaalaha Naasa-hablood ee Hargeysa shalay loogu sameeyey laba sarkaal oo ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda iyo sawir-qaade u shaqaynayey telefishanka HCTV oo ku geeriyooday shil baabuur naxdin leh oo ka dhacay tuulada Aw Barkhadle Axaddii, waxay kaga dhawaaqeen amar ah in laga jaro turusyada loo sameeyo gaadiidka waawayn ee ay ka mid yihiin booyadaha iyo basaska, iyagoo digniin adag u diray wadayaasha baabuurtaasi oo go’aanka lagu soo rogay dhaqangelayo Salaasada maanta.

Wasiir Cali Warancadde waxa uu sheegay in jidka ugu wayn ee gobollada isku xidha oo ah mid muhiim ah ay waqtiyadan dambe ku soo badanayaan shilalka gaadiidka, gaar ahaan inta dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera, taas oo uu masuuliyadeeda saaray darawallada gaadiidka waawayn, “Waxa muuqata dadka waddada isticmaala, gaar ahaan kuwa wata booyadaha iyo Iska-rogooyinku inay yihiin dad qayrul-masuula,” ayuu yidhi Cali Warancadde, waxaannu intaa raaciyey eedayn uu u jeediyey ciidanka nabadgalyada waddooyinka, “Arrintaas waxaan canaanteeda dusha ka saarayaa ciidammada Waddooyinka oo aan u arko iyaga laftoodu inay aad u tamar daranyihiin.”

Sidaasi darteedna waxa uu amray in degdeg looga jaro gaadiidka turusyada samaystay, ciddii u hoggaansamiwaydana tallaabo laga qaadi doono, waxaannu yidhi, “Baabuurtaasi gardarrada iyo fool-xumada ay sameeyaan waxa ka sii daran xagga hore waxay ku xidheen bir wayn oo sidii cagaf-cagafta oo kale ah oo ay dadka ku jiidhaan, xagga dambena mid aan looga soo dhawaanin ayey ku samaysteen, taasna waxaan leeyahay dib loo aqbalimaayo. Ciidanka Nabadgaliyada Waddooyinka waxaan farayaa wixii berri (shalay) laga bilaabo si deg-deg ah inay labada dhinacba ka jaraan turusyada gawaadhida ku samaystay xagga hore iyo xagga dambeba, maalin dambena aannu marin karin magaalada gaadhi tursi leh.”

“Waxaan amar ku bixinayaa intaan gaadhiga lagaa xarayn in nin waliba geerash geeyo oo uu hadda ka sii jaro turusyadaa wixii berri ka dambeeyana gaadhiga waa laga dhigi doonaa, waxaana la saarayaa ganaax wayn oo aanay qaadi karin gadiidlaydu, hadday u hoggaansami waayaan amarkaas Wasaaraddu farayso,” ayuu yidhi Md. Cali Maxamed Warancadde.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Booliska Sarreeyo Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa isna sheegay in ciidankiisu bilaabayo fulinta amarkaas, “Waxaan halkan farriin adag uga dirayaa gaadiidlayda sida khilaafsan xeerka gaadiidka u socota, waxaanan si gaar ah digniin ugu dirayaa basaska ciyaal-Iskuulka qaada, booyadaha iyo Iska-rogooyinka, waxaana idiin sheegayaa qadarku waa halkiisa, laakiin ciddii sharciga u hoggaansami wayda inuu ciidanku gacan wayn ku qaban doono, ciidanku maanta laga bilaabo shaqadaa uu bilaabi doono,” ayuu yidhi Sarreeyo Guuto Cabdilaahi Fadal.

Amarkan ka dhan ah gaadiidka turuska leh ayaa yimi maalin uu kadib markii gaadhi booyad ahi jiidhay baabuur ay la socdeen saddexda marxuum ee la aasay shalay oo kala ahaa; Weli Daa’uud Cigaal, Maxamed Daa’uud Yuusuf iyo Muuse Cali Haybe, kuwaasoo madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, hoggaanka saddexda xisbi qaran iyo dadweyne badan ka qaybgaleen aaska loo sameeyey.

Khasaaraha ka dhasha jidadka waaweyn ee dalka, gaar ahaan jidka dhinaca bari uga baxa caasimadda Hargeysa, ayaa aad u kordhay muddooyinkii u dambeeyey, iyadoo shilalka gaadiidku sababeen dhimasho iyo dhaawacyo gaadha dad rayid ah, hal-doorka bulshada iyo masuuliyiin dawladeed.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.