Xukuumadda Iyo HATUF Waxay Isku Hayaan Arrime Dhaqaale, Qudhaanjoy ku Quuso “Saleeban Xaquuq” ,

0

Waxaa  Muddooyinkii danbe soo ifbaxaayey dadyow kala duwan ,kuwa taagersan Talaabada Xukuumadda Somaliland Albaabada Ugu laabtay

wargeyskii Haatuf ,Iyo Qaar ka dhiidhiyay Ficilka noocan oo kale ah kuna sabeebeeyey in xukuumadda Meherada Shaqeynaaya iska dayso oo ay cida mulkiilaha ka ah iyo Tafatirha lagala xisaabtamo Xaashiyaha Cadcad ku soo baxo Madabacadaha .

Kutiri kuteeno ,hadala is dhaafsan iyo war la`aan ayaa gayga Somaliland qarqisay , waxaa soo shaacbaxayey cid waliba inay weedheeda tuurto hawgu horeeyaan Xisbiyada Mucaaridka oo garabsanayaa Ururuka Suxufiyiinta SOLJA , kuwaaso sheegtay inay sameysteen  Gaashaanbuur uu Dooda Xorriyada saxaafadda Somaliland , iygo  huwanaaya Go`  Xorriyad u dirira ,waxay dhaafeen oo baal mareen Dadkii iska lahaa shaqadan kuwaaso shalay ka Hadlay Arrimahaas.waxaany tilmaameen in Xukuumadda Iyo Mulkiilaha Haatuf isku hayaan arrime Dhaqaale kuwaaso aan khusay xorriyada saxaafada iyo wax la halmaala .

Afhayeenka Ururada U dooda Xuquuqal Insaanka  Somaliland Mr aSaleebaan ismaaciil Bulaale (Saleebaan  Xuquuq) Ayaa Qolooyinkii sheeganayay inay u doodayaan xorriyada saxaafadda hadal maldahan kula hadalay kaaso sheegay in Haatuf anshaxa saxaafadda Somaliland ka leexatay ,ka Saleeban ahaan  lafiitusan u kuurgalay eedaymaha ay u soo jeedisay HAATUF Wasiirka Macdanta Balse ay uu helay dokmantiyadii oo dhan islamarkaan ay cadaatay in cayda iyo ceebta aflagaadaduba ay ka timid dhinac dhaqaale kuwaaso Yuusuf ka soo galay wasiir Xuseen Cabdi Ducaale .Isagoo Waydiistay Plock shidaalka ay ka baadhan Shirkadd ay wateen isaga iyo seedigi .

Difaacida Xuquuqadda Saxaafaddu waa muhiim balse waxa ka horeeya in la helo halka cudurku ka yimi si loo sameeyo dawada lagu daweynalahaa ,taasina waa ta maanta Saleeban helay oo warbaahinta u soo bindhagay halka ay ka taagan yihiin Difacaayasha xuquuqdu arrinka HAATUF.

Rayu Caamka

Dadweynaha Somalilanad Yar iyo weyn waxay ka warqabaan qoraaladi isdaba jooga ah ee waqtiga dheer ku soo baxayey wargeyska Haatuf ,iyo Aflagaadooyinka baalka marsana anshaxa iyo asluubta saxafiga xaqdhowrka ah ee ilaaliya wanaaag iyo dhexdheednimada .

Mar aan u soo dhaadhacay maqaaxiyaha bulshadu iskugu timaade ee badhtamaha magaaladda Hargeysa kutaala waa “Diyaarada” ayaa waxaa dhagahayaga ku soo dhacay labba oday oo wada sheekaysanya ,waxaanay iska wareeysanayeen Haatuf iyo xukuumadda.

Waxaay sheekadoodu u dhacday sida tan:-

Su`aal:waar heedh ,  maxaa ninka mujaahidka ah ee Ina Gaboobe Xukuumaddu dhinac uga wada martay?

Jawaab: xalay iyo habeen horba waxaan daawaday warkoo ,dee xeer ilaaliyaha iyo Nin Gudoomiya u ah ururada u dooda xaquuqda Aadmuhu waxay ninkan ku sheegeen mid dhaqaale raadis ah ,oo xad iyo xayndaab toona laheyn iyo cid qabata .

Intaas ka dib waxaa ku cadaanaysa sida bulshada reer somaliland wacyigoodu u soo jeedo ,kuwaaso garanaaaya halka salaadu ka xidhmi laadahay .

Wadani iyo Ucid :

Labaddan urur siyaasadeed ee maqaamka sare ku leh siyaasada Somaliland waxay baryahan wax ka dayaan meel aan waxaba laga soo saari Karin kuwaaso ,toosh ku daydaya waxay suuqa siyaasada ku galaan ,iyo hadal baahiyaha si ay u helaan waxaa loo yaqaano Mucaaridad .

Waan ku taageersay inay toosiyaan xukuumadda tallada haysa waayo wax aniga ila saxan ayaa dhankaaaga qalada igu muuqan kare hase ahaaata waxaa mudan in la saaro kafada waxayaaba aad is leedahay waxabay dalka iyo dadkaba u tarayaan inaad ka hadasho .

Laakin hadaan intaan hal saxafi u yeedho yidhaa waxaan ka hadalaynaa xorriyad la`aanta dalka ka jirta waxaan xuquuqada saaxaafada  ku difaacayna qori , ninkii hawshan u xilsaarna ee gudoomiyaha u ahaa Ururada Xuquuqal insaaka ayaa taas idinka dow mariyey ee bal tan oo kale yaanay dib u dhicin .

Sida ku cad code of conduct  ay leedahay saxaafadda waxaa lagma maarmaan ah inaad investigation sameynayso ka taxadirto wax kastoo carqalad kugu noqon kara sida Cadeymaha lagaa rabo ,tafaasisha numberadda  iyo eedaha aad soo jeedisay oo mid walbi cadaan taahy oo diyaar ku tahay ,oonad ku maraysan Internet ka ayey ku jiraan cida rabtay  ,hadii intaa laga waayo adiga ayaa noqonaya saxafi la ugaadhsado oo ku soo dhacaya shabaga ugaadhsadaha .

Mohamed Baashe

Hargeysa /Somaliland

Baashe_74@hotmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.