Xukuumadda Biixi Oo La Safatay Dp World

0
Xukuumadda Biixi Oo La Safatay Dp World

Xukuumadda Biixi Oo La Safatay Dp World
Hargeysa (Sayruuq) Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa si buuxda u barbar istaagtay shirkadda maamusha dekedda Berbera ee Dp World kadib markii shirkadda iyo ganacsatadu ku murmeen sarrifka Doollarka oo Dp World kor u qaadday. Shirkadda ayaa hirgelisay in halka dollar noqdo 8,500 shillin Somaliland ah halka uu hore u ahaa todoba kun oo shillin Somaliland ah( $1=8,500 hore $1=7000), arrintan ayay ganacsatadu si adag ugu gacan saydhay waxaanay joojisay in ay wax alaab ah kala baxaan dekedda taas oo shalay ka dhigtay dekedda meel aanay wax shaqo ahi ka socon.
Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay aqbashay qorshaha Dp World, islamarkaana ay tahay in ganacsatadu shaqadeeda wadato haddii kale tallaabooyin adag laga qaadi doono cidda alaabteeda kala bixi wayda dekedda.

Xukuumadda ayaa sidoo hanjabaad culus u dirtay Ganacsatada Somaliland, sidaana waxa sheegay wasiirka wasaaradda Ganacsiga Somaliland Maxamuud Xasan Saajin waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Markaan dhegaysanay cabashooyin is daba jooga oo ka yimid shirkadda DP World lana xidhiidha adeeg-yada ay qabtaan, marka aan eegnay een aad u fiirinay, markaan la tashaynay wasaaradda Maaliyadda waxa caddaatay in DP World dacwada ay soo jeediyeen ay tahay tu sax ah anaga oo eegayna markii wax lagu dhawaaqo culayska uu leeyahay Dp World waxaan ka dalbanay dalabaadkooda inay laba jeer u kala gooyaan oo ah Bisha Maaraj 12-keeda laga bilaabo tacaariiftoodu ay noqoto halkii ay todoba kun ka ahayd sideed kun iyo shan boqol oo shilin halka doolllar, 12-ka bisha lixaadna ay ku macaamili doonaan sicirka suuqa sababtu waxay tahay markay soo galeen suuqa sarrifka doollarka iyo shilinka todoba kun ayuu ahaa, sarifkii doollarka iyo shilinkii wuu kacay iyagu laakiin halkii ayey fadhiyeen,” ayuu yidhi wasiirka ganacsiga Somaliland.

Waxaanu intaasi ku sii daray wasiirku “Markii aanu dhuuxnay arrinta meesha taal waxaan u arragnay inay Samir badan muujiyeen sidaa la ajligeed waxaanu u ogolaanay inay xaq u leeyihiin maaddaama iyaga laf ahaantoodu ganacsato yihiin ay sicirka suuqa ku macaamilaan, sicirka suuqana umaanu ogolaan inay mar kaliya soo boodaan laba jeer ayaanu ka dhignay .”

Dhanka kale Wasiir Saajin ayaa sheegay inay Xukuumadda iyo Dp World uu khasaare ka soo gaadhay sicirkii hore ee isku badalka lacagta ay isticmaali jireen “Waan ognahay dad badan oo cabasho ka muujinaya , cabashadaa marka dhinaca dhaqaalaha loo eego dhinaca suuqa marka loo eego, dhinaca caqliga marka loo eego waa cabasho madhan , li ana waxa weeyaan Ganacsatadu wixii ay ku iibinaysay markuu todobada kun ahaa shaadhkii ay siinayeen todobada kun toban kun oo shilin ayuu iminka noqday, markaa markay adeegii bixinayaa todoba ayey u celinayaan saddex-diina meeshii wey ka maqantahay , taasi waxay ku keentay khasaare badan DPWORlD iyo dowladaba .”
Dp World Oo Isbedel Ku Samaysay Sarrifka
Ugu Dambeyn Wasiirka ayaa gacansatada ugu baaqay inay alaabtooda kala baxaan Dekada Berbera , haddii kale ay la kulmi doonaan ganaax culus “Waxaan amar ku siinayaa Ganacsatada alaabteedi kala bixi la Dekedda iyaga oo ku andacoonaya arrintan inay si deg deg ah ugala baxaan Dekeda, haddii ay ugala bixi waayaana waxa xaq ku noqonaya oo ay mutaysanayaa Ganaax , sharci weeye arrin tani waa in sideeda loo fuliyaa .”

Ganacsatada ayaa arrintan si weyn uga gaws adaygay, islamarkaana u arka culays dhaqaale oo aanu dalku qaadi karayn maaddaama ay lacagta ku korodhay noqonayso mid saamaysa suuqyada Somaliland oo ay dul saarayaan maceeshadda ay bulshada ka iibiyaan. Waxa kale oo jirta in bulshada Somaliland si weyn u dareemayso busaarad iyo dhaqaale xumo.
Xiisad U Dhexeysa Dp World & Ganacsatada?
Wargeyska Waaberi

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.