Xukuumadda Ayaa Haysa Halxidhaalaha!

0
Somaliland Briefing Note 2018

Xukuumadda Ayaa Haysa Halxidhaalaha!

Guurti ku daxalaysatay Golaha, Wakiilo ku muddo dhaafay fadhiga 14 sano, iyo Doorashooyin dib uun u dhacaya waxaa ka masuula kolba xukuumaddii joogta.
Xukuumadihii kala dambeeyay waxay ku hoobteen inay si daah furnaan ah dadka Somaliland u tiro-koobaan. Oo ay helaan tirada guud. Ka dibna ay helaan gobol kastaa saamiga uu ku leeyahay tiradaas guud. Saamigaasi inuu soo baxo dad badan baan jeclayn. Waayo? Bal adba!
Xukuumaddii Siilaanyo ayaa ugu dhaweyd. Oo iyana, markay soo gaba-gabooday muddo xileedkeedii, ayay bilawday diiwaan gelinta muwaadinka, si loo helo gobol kasta dadka ku nool, ee ka weyn 15 jir. Waxaa la adeegsanayay, markii ugu horreysay Afrikaba, wadajir labada hannaan ee indhaha iyo faraha ee qofka lagu baadi sooco. Taas oo looga jeeday Inaan qofna ku soo noq-noqonin. Hadday dhacdana il-bidhiqsi ayaa lagu qabanayay.

Markii lagu guulaystay in la tiro koobo seddexda Gobol Doorasho ee Boorame, Hargeysa iyo Berbera, ee lagu diiwaan-geliyay si “Biometric” ah tiro gaadhaysa 530,000 oo qof, ee ay hadhsan yihiin, keliya, Laascaanood, Ceerigaabo iyo Badh ahaan Burco, ayaa si ay ka noqotayba, xukuumaddii Siilaanyo albaabada u laabtay Diiwaangelintaas. Waayo? Bal adba!
Xukuumadda Muuse, ayaa iyana isha ka lalinaysa inay dhammays-tirto hal-xidhaalahaas loo maaro waayay ee mustaqbalkii Doorashooyinku ku xidhan yihiin.

Hawshani hadday dhammaato waxaa la heli doonaa lixda Gobol Doorasho, mid walba saamiga uu ku leeyahay tirada guud ee dadka Somaliland. Halkaana waxaa soo bixi lahaa Saamiga Kuraasta Guurtida iyo Wakiilada ee gobol kastaa xaq u leeyahay.

Xisbiyada Mucaaridka ah, iyo Komishanka Doorashooyinka iyo Labada Aqal ee Baarlamanku waxay isku mashquuliyaan Diiwaan-gelinta Cod-Bixiyaha.

Danna kama galaan Diiwaan-gelinta Muwaadinka. Mana doonayaan inay Xukuumadaha ku daba-galaan arrinkaas muhiimka ah, ee la’aantii Doorashooyinku u habsaamayaan. Waayo? Bal adba!
Waa hawl u taala, siiba, Wasaaradda Arrimaha Guduhu inay soo gaba-gabayso. Sidoo kale waxaan arrinkan danaynayn cadawga Somaliland, waayo waxaa loo arkaa madax-bannaani aynu ka soocanay Somalia. Tobanaanka Milyan Doolar ee Beesha Caalamku ku bixiso Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha, waa biyo col dhaanshay! Oo sanad walba laynagu madadaaliyo. Waxaa ka fiican, ka saxsan, ka qarash yar tiiyoo marka la dhammeeyo ta Muwaadinka … in Cod-bixiyaha, lix bilood ka hor doorasho kasta, la weydiiyo barta uu ka codeyn doono. Taas oo aan is-beddalayn magaalooyinka aan u badan nahay, miyiga mooyee.

Saxaafadda Somaliland ayaa iyana waxay ka hesha jillaabta loo dhigo Somaliland. Waxay danaysaa qadhiidhka ugu jira dacaayadda uu Komishanku ku aamusiiyo Saxaafadda. Haddaa maxay saxaafaddu arrinkan mar uun u qaadaa dhigi weyday? Bal adba!
Xukuumadda ayaa haysa furaha, hal-xidhaalaha Dibudhaca Doorashooyinka. Oo maxay la qabanaysaa furaha? Bal Adba!
Siyaasi Mohamed Daauud.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.