Xukumadda Oo U Yeedhay 4 Telefishan

0
Suxufiyiin Loo Haysto Like, Comment iyo Share

Xukumadda Oo U Yeedhay 4 Telefishan
Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Md Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo waxa uu maanta kulan deg deg ah ugu yeedhay qaar ka mid ah Telefishanada Somaliland laga leeyahay kuwaas oo la sheegay inay xalay sii daayeen war uu lahaa Korneyl-ka ciidanka Somaliland ka goostey ee Korneyl Caarre.

Telefishanadan oo tiradoodu aheyd Afar waxa ay kala yihiin Star Tv , Eryal Tv , Saab Tv Iyo Bulsho Tv , waxaana uu wasiirku ku war galiyey in Digniino hore loo jeediyey Afartan Tv oo ku saabsan wixii Qaran nimada dhawaacaya in aaney sii deynin.

Sidoo kale Wasiir Guribarwaaqo ayaa mar kale ugu baaqay in aaney sii deynin waxii ka hor imanaaya qaran nimada Somaliland , waa sida uu hadalka u dhigaye.

Telefishannadan qaarkood ayaa barahooda Youtube ka saaray muuqaalka warbixinta Caarre. Caarre iyo kooxdiisa ayaa dhalliilayay xukumadda madaxweyne Muuse iyo siyaasadda uu dalka ku hoggaaminayo.

Muuqaalka Kornayl Caarre ayaa baraha bulshada iyo saxaafadda Somaliland si weyn loogu faafiyay taas oo u muuqata in ay bulshadu kooxdaasi u aragto wax iska caadi ah.

Source: Ilaysnews/ Sayruuqnews

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.