Xukumadda Oo Shirkad Ku Wareejinaysa Hamaha Shidaalka

0

Xukumadda Oo Shirkad Ku Wareejinaysa Hamaha Shidaalka

Xukuumadda Somaliland ayaa qorsheysay in haamaha shidaalka ee Berbera ay ku wareejiso shirkad laga leeyahay dalka Swizerland kana diiwaangashan dalka Singapore, taasi oo lagu magacaabo Trafigura.

Ganacsatada shidaalka keena ee muwaadiniinta ah ayaa loo sheegay in shirkaddaasi ay la wareegi doonto maamulka haamaha shidaalka Berbera, sidoo kale waxaa ganacsatada lagu soo rogay shuruud cusub oo la xidhiidha tayada shidaalka, taasi oo dadka arrimahan fahansan ay sheegeen in aanay ganacsatadu awoodi karin shuruuddaasi.

Shirkadda la wareegaysa haamaha shidaalka Berbera ee Trafigura sidoo kalena la filayo in ay la wareegto keenista shidaalka ayaa horey loogu eedeeyay in ay shidaal wasakheysan ka qaybiso qaaradda Afrika.

Source: Suxufi Khaalid Foodhaadhi

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.