Xukumadda Oo Shaacisay Lacagta Ay Itoobiya Ku Bixinayso Dekedda Berbera

0
Agaasimaha DP World Oo Socdaal Ku Tagay Djibouti Iyo Sucuudiga & Masar Oon Weli Ku Guulaysan Dedaalo Ay Wadaan

Xukumadda Oo Shaacisay Lacagta Ay Itoobiya Ku Bixinayso Dekedda Berbera

Dawladdaha Somaliland iyo Itoobiya ayaa shalay heshiis rasmi ah la saxeexday shirkadda Dp World ee leh saamiga ugu badan ee maamulka Dekedda Berbera muddo 30 sanno ah taas oo metelaysa dawladda Imaaraadka. Heshiiskan ayaa ah saami dhan: Dp World 51%, Somaliland 30% iyo Itoobiya 19%.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa waxa uu sheegay in dawladda Itoobiya bixinayso qayb kaga soo hagaagtay horumarinta dekedda Berbera “Dabcan haddii Itoobiya saami ku yeelatay dekedda Berbera waxay bixinaysa inta kaga soo hagaagtay shirkadda oo ilaa 80 milyan oo dollar ah,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad.

Wasiir Sacad waxa uu intaasi raaciyay sababta muhiimadda loo siiyay in Itoobiya hesho saamiga dhan 19% waxaanu sheegay in ay tahay macmiilka ugu weyn ee dekedda “Itoobiya waa suuqa aynu doonayno in dekeddu isticmaasho. Dekeddu sida ay imika tahay Somaliland ahaan way inagu filan tahay laakiin, cidda aynu doonayno in ay isticmaasho waa Itoobiya ee dekedaha badan u baahan. Imika ganacsiga Itoobiya inaga dhexeeya dhinac buu ka raran yahay oo inagu wax uun baynu ka soo iibsana ee waxba kama iibino marka waxaynu kaga badalayna adeeg waanay maalgashanayaan,” Sidaas ayuu yidhi Dr Sacad.

Dawladda Itoobiya ayaa la filaya in ay kaalin ka qaadato jidka isku xidha Berbera ilaa Itoobiya oo muhiimad weyn u leh horumarinta dekedda Berbera si waxyaabaha ka dhoofaya ama ka soo degaya u gaadhan Itoobiya.

 

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.