Xukumadda Oo Qiratay In Ay ku Fashilantay Dirista ardaydii Itoobiya Deeqda Waxbarasho Siisay

0

Hargeysa(Sayruuq) Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa xaqiijisay in ardaydii ugu saraysay sanadkan dalka Somaliland oo deeq waxbarasho ka heshay dawladda Itoobiya ay ka khasaartay fursaddaasi. Wasaaradda waxbarashada ayaa ku fashilantay dirista ardayda wakhtigii loogu talo galay.

Ardayda fursaddan helay oo ah kuwii ugu sarreeyay dugsiyada Somaliland sannadkan ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku soo noqnoqonayay wasaaradda. Ardayda gobollada ayaa sheegay in kharash badan kaga baxay muddadii sidoo kalena ardayda ayaa is diwaangelinta jaamacaddaha Itoobiya iyo kuwa maxalliga ahba ka xidhmeen.

“Deeqda waxbarasho waxaynu ka helnay dalkan aynu jaarka nahay ee Itoobiya, muddadii ay ku tagi lahaayeena marka hore xagga Itoobiya ayay ka noqotay habsan, iyada oo muddo yar oo gaaban ka hadhsan tahay ayay yidhaahdeen ardaydii soo dira waxa furmaya jaamacaddihiiye. Muddadii ardayda la qorayay ee la lahaa Passport ha qaatan, fiise ha loogu soo dhufto ayuu wakhtigii naga dhammaaday,” Sidaas ayuu yidhi wasiir xigeenka wasaaradda waxbarashada Somaliland Axmed Xuseen Rooble.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.