Xukumadda Oo Ka Hadashay Dad La Xidhxidhay

0
Xukumadda Oo Ka Hadashay Dad La Xidhxidhay

Xukumadda Oo Ka Hadashay Dad La Xidhxidhay
Xukumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay xidhxidhay dad ku lug lahaa maayar iyo maayar xigeen shalay ay doorteen degmooyinka M. Mooge iyo M. Haybe ee magaalada Hargeysa. Ma cadda in la xidhay maayarka, maayar xigeenka iyo xoghayaha la doortay laakiin, waxa jira dad la raadinayo iyo kuwo xidhan sida uu sheegay badhasaabka Maroodijeex.
Jaamac Xaaji Axmed badhasaabka gobolka Maroodijeex waxa uu xaqiijiyay in ay jiraan dad la xidhay iyo kuwo lagu raad joogo. Waxa uu dadkaasi ku eedeeyay in ay galeen dambi Qaran maaddaama ay abaabuleen doorashada masuuliyiin ay qaybo Hargeysa ka mid ahi yeelanayaan.

Dadweynaha degmooyinka Axmed Dhagax, Maxamed Mooge iyo Maxamuud Haybe waxa todobaadkii u dambeeyay ka socday dareen lagaga soo horjeedo dawladda hoose ee caasimadda oo lagu dhalliilayo wax qabad la’aan. Arrimaha dhacay waxa ka mid ah cashuur joojin lagu dhawaaqay iyo masuuliyiin danta guud uga shaqeeya oo la cumaamaday.
Xildhibaannada laga soo doortay degmooyinkan ayaan arrimahan wali ka hadal lamana oga sababta ay afka uga xidheen tabashada dawladda hoose laga tirsanayo.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.