Xukumadda Oo Ganafka Ku Dhufatay Dalabka Xisbiga Waddani Ee Ah Mudaharaad Salmi Ah

0

Hargeysa(Sayruuq)-Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sheegtay inaan Xisbiga Waddani ogolaansho u haysan Mudaharaado uu ka dhigo gobolada iyo degmooyinka Somaliland. Waxay ka digay Xukumaddu  in muddaharaad la sameeyo.

 

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, oo shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa kadib markii Xisbiga Waddani Iclaamiyay Mudaharaad Isniinta bari ah dhici doona oo lagu diidan yahay Muddo kordhin dheeraad ah oo guurtidu samayso, ayaa waxa uu sheegay inaanay fasax u haysan arrintaasi.

 

Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa sheegay in hanaanka Dastuuriga ah ee Mudaharaadku yahay in Wasaaradda arrimaha gudaha laga qaato Warqad Ogolaansho ah oo fasaxaysa in Muddaharaad la dhigo si Xukumadda iyo hay’addaha amnigu uga warqabaan amnigana u ilaaliyaan balse aanu Xisbiga Waddani wax Ogolaansho ah ka qaadan Xukumadda iyo wasaaradda Daakhiliga.

 

Wasiir Warancadde, oo saxaafaddu waydiisay Muddaharaado Kulmiye samayn jiray wakhtigii uu Mucaaradka ahaa iyo kuwa haddu waxay ku kala duwan yihiin wuxuu ku jawaabay “Maxaynu ka dhaxalay Muddaharaadadii hore ee la sameeyay?, waxaynu ka dhaxalay agoomo,waxaynu ka dhaxalay Goblan, waxaynu ka dhaxalay Caruur lagu soo tabcayay oo 25 jir ah oo Jaamacaddaha ka baxay oo aynu ku wayno, waxaynu ka dhaxalay dhibaato” ayuu yidhi Wasiir Warancadde.

Warqadda Wasiir Warancadde ku Diiday Dalabka Waddani Ku Doonayo Muddaharaadka in loo fasaxo

https://i1.wp.com/hadhwanaagnews.ca/attached/wqeqeqwe.jpg?w=696

Xisbiga Waddani, ayaa wal-wal badan ka qaba muddo kordhin dheeraad ah oo Guurtidu samayso. Xisbiga Ucid iyo Waddani oo isku aragti ka ahaa muddo kordhinta iyo qabsoomida doorashada ayaa haatan ku kala tagay fikirkaasi, waxaana isku dhinac ah Ucid iyo Kulmiye oo raba in muddo hal sanno iyo 5 bilood ah Xukumadda loo kordhiyo muddo xileedka halka Waddani ku adkaysanayo in 1-da June 2016-ka  doorashada la qabto.

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.