Xukumadda Oo Eriday Dhalinyaradii Saxaafadda La Hadlay

0

Xukuumadda Somaliland ayaa eriday afar dhalinyaro ah oo ka tirsanaa barnaamijka shaqo qaran kuwaas oo shalay warbaahinta la hdlay iyagoo cabanaya.

Agaasimaha barnaamijka Shaqo qaran ee Somaliland Maxamed Xuseen (Mu’addinka) oo maanta HCTV la hadlay ayaa sheegay in dhalinyaradani khalkhal geliyeen imtixaankii shalay laga qaaday ardayda barnaamijka shaqo qaran.

Dhalinyarada ayaa ka cawday arday aan ka tirsanayn shaqo qaran oo imtixaanka u fadhiistay.

Saddex wiil iyo inan ( gabadh) ayay kala yihiin dhalinyarada la eryay.

Source: Hassan Galaydh

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.