Xukumadda Muqdisho Oo Dakhli Yaraan Soo Wajahday Darteed Dhimmaysa Mushaharka iyo Kharashaadka Madaxda iyo Shaqaalaha Dawladda

0

Muqdisho(Sayruuq) Kulan ay Axaddii lasoo dhaafay ay yeesheen Golaha Wasiirrada XFS oo uu ka qaybgalay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa lagu Go’aamiyay in la dhimo mushaaraadka iyo waliba Qarashaadka ku baxa dowladda si looga soo kabto hoos u dhaca ku yimid Miisaaniyadda dalka.

 

Wasiir-u-dowlaha Maaliyadda Somalia, Cabdillaahi Maxamed Nuur, ayaa saxaafadda u sheegay in dakhliga gudaha ee Somalia kordhay 30% balse aanu dabikhi Karin kharashaadka, kadib markii lacagihii beesha caalamka laga filayay laga waayay 6-dii bilood ee u dambeeyay, halka aan 6-da soo socdana kalsooni lagu qabin.

 

“Sida uu qabo Sharciga Maaliyadda dalka, Lix bilood oo walba waa in dib u eegis lagu sameeyaa dhaqaalaha iyo miisaaniyadda dalka, kaddibna la Waafajiyaa hadba sida ay wax yihiin, sidaasi darteedna Wasiirka wuxuu Sheegay in kaddib cilmi-baadhis la sameeyey in Golaha Wasiirrada la horgeeyey hindise cad oo wax lagaga badalayo Miisaaniyadda dalka,” ayuu yidhi wasiir u dowlaha Maaliyadda.

 

Nuur ayaa wuxuu hadalkisa ku daray “Shaqaalaha dowladda lixdii bilood ee lasoo dhaafay waxay qaateen 100% Mushaarkii u qornaa, 6-bilood ee soo socota waxay qaadan doonaan 75% Mushaharka u qoran, boqolkiiba 25% ayaana laga jarayaa.”

 

Isagoo sii hadlaya waxa uu sharaxay qaabka mushahar dhimista “Mushahar dhimista waxay ku saleysan tahay habka boqoleyda ah, tusaale ahaan xafiisyada Madaxda sare ee dalka, sida Madaxtooyada, Golaha Shacabka oo Guddoomiyaha uu ugu horreeyo iyo Golaha Xukuumadda oo uu RW-hu ugu horreeyo, dhammaan waxaa lagu saleeyey si wadajir ah in sahaydii safarada iyo Qarashka ku baxa shaqada la Qabanayo laga jaro 30% iyo in 18% laga jaro Mushaharaadkooda,”.

 

Qorshahan dhaqaale yaraanta ah ee xukumadda Muqdisho wajahday ayaa imanaya maalmo kadib markii Midawga Yurub sheegay inuu 20% dhimmayo kharashka ku baxa Ciidamada AMISOm ee dhanka amaanka ka taageera xukumadda Muqdisho.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.