Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhambaal Habmalya ah U Dirtay Shirwynihii Gob Ee Beelaha Awdal ,Kana Hadashay Tabashada Reer Awdal

0

Hargeysa (Sayruuq)- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Md C/laahi Maxamed Daahir (Cakuse) Oo Ku Hadlaya Afka Xukuumadda Somaliland ayaa Dhambaal Hambalyo ah u diray Shir Weynaha La magac baxay GOB,

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cabdillaahi Cukuse oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay inay Xukumad ahaan ku bogaadinayaan Qodobada shirkaasi ka soo baxay islamarkaana Madaxweynuhu ku maqan yahay Xal u helista Arrinta Awdal.

Shir Shirweynaha Bulshada Awdal Waxaa ka soo baxay 10 qodob oo ay ugu muhiimsan yihiin ilaalinta Wadajirka Bulshada Awdal,ilaalinta Qaranimada Somaliland,ilaalinta amaanka iyo Horumarka Bulshada Awdal. Waxa sidoo kale shirka si buuxda loogu taageeray islamarkaana Xukumadda waxka qabashadeeda looga fadhiyaa Tabashadii Balaadhnayd ee Hogaanka dhaqanka Awdal u gudbiyay Madaxweyne Siilaanyo.

“Waxaanu Magaca Dawladda Hambalyo ku gaadhsiinaynaa Shirka Ka Socda Degaanka Gob ee Gobolka Awdal, shirkaas oo Ergadiisu ka koobnayd 700 oo Ergay,kuwaasi oo ka kooban Mutacalimiintii,Cuqaashii,Sallaadiintii,Ugaasyadii,Culimadii,waxgaradkii kale, waxaanu ku hambalyaynaynaa dariiqa wanaagsan ee Illaahay waafajiyay” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Wasiir-Cukuse
S

 

Wasiir Cukuse waxa uu sheegay inuu u mahadcelinayo Ugaaska Guud ee Bulshada Reer Awdal Ugaas Cabdirashiid iyo guud ahaan Hogaanka dhaqanka ee degaankaasi,Ganacsatada,Culimada iyo aqoonyahan ka kale ee Shirkaasi ka qayb qaatay islamarkaana ka soo saaray arrimaha Bulshada u danta ah.

Dhinaca kale Wasiir Cukuse waxa uu sheegay in Madaxweynuhu diyaar u yahay wax ka qabashada Tabashada Reer Awdal “Madaxweynuhu,wuxuu diyaar u yahay inuu xal u helo,dhamaantoodna xal u helo,oo haddaba siday suuro gal u tahay dhamaan hadday noqoto iyo hadday qayb ahaan noqotaba inuu xal ku fardaamiyo ayuu ku maqan yahay laakiin,Mushkiladda intaas leeg maaha wax saacaddo lagu saxo,wax dibnaha saaran oo degdeg loo odhanayana maaha waa wax u baahan Godkaas hore ee ay ku dhacday in laga qodo,waa wax u baahan in la kabo oo la daweeyo oo la dhayo.Madaxweynuhu waa u diyaar inuu xal u helo waanu ku muqan yahay”

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.