Xukumadda Madaxweyne Muuse Oo La Kawsatay Iyada Oo Maayarradu Xabsiga Ku Gurayaan Wariyeyaal

0

Hargeysa(Sayruuq) Maayarka Berbera ayaa shalay xabsiga dhigay wariye Axmed Siciid oo ka shaqeeya telefishanka Eryal iyo wariye Cabdiraxmaan Cige oo ka shaqeeya telefishanka Saab, sidoo kale Suxufi  Jimcaale Dayib ayaa dhawr todobaad ku xidhan magaalada Gabiley, Maxamed Aadan Dirir ayaa isna dacwaddiisu hor taallo maxkamadda racfaanka. Sidoo kale shabakado dhawr ah ayaa lagu wada dacwado laga soo gudbiyay.

Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto ayaa sheegay in falalka loo haysto wariyayaasha qaarkood yihiin khalad laga garaabi karo kuwo kalena laga gardaran yahay laakiin, aan dhammaantood waddo sharci ah loo marin xadhigooda. Waxa uu xukumadda ugu baaqay in ay kala shaqaysi sidii arrimahan loo xallin lahaa, islamarkaana arrinta hoos loogu dhigi lahaa.

Madaxweynaha dhawaan talada qabtay mudane Muuse Biixi Cabdi oo ku soo ololeeyay sarraynta sharciga ayaa rajo laga qaba in madaxda iyo shacabkuba dhawraan shuruucda dalka, islamarkaana waxa dadka kala haga noqdo sharciga.

 

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.