Xukumada Xarumaha Dawlada Ka Raraysa Shacabka

0
Xukumada Xarumaha Dawlada Ka Raraysa Shacabka

Xukumada Xarumaha Dawlada Ka Raraysa Shacabka
Hargeysa, (Sayruuq)-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud dhulka iyo Guriyaynta Md. Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi, ayaa ku wargaliyey dadwaynaha degan xarumaha Wasaaradaha iyo Hay’dadaha dawladda Xayndaabkooda inay ka guuraan.
Wasiir Qambi waxa uu sidaas ku sheegay qoraal uu gaadhsiiyay warbaahinta dawladda waxaanu dadka deggan goobaha dawladda ku wargeliyay in ay bil gudaheed kaga guuraan mana sheegin in dadkaasi la siin doono meelo ay degaan iyo in kale.
Wasiirka ayaa qoraalkiisa ku yidhi “Waxa lagu wargalinayaa dhammaan muwaadiniinta degan xarumaha Wasaaradaha iyo Xay’daha dawladda xayndaabkooda inay ka guuraan goobaha ay ka degan yihiin, maaddaama suurto gal ahayn in ay is dhex deganaadaan hay’daha dawladda xafiisyadooda iyo shicibku.

Sidaa daraadeed, waxaa lagu wargalinayaa dhammaan bulshadaasi inay goobahaasi kaga guuraan muddo bil ah oo ka bilaabanta 27kii bisha labaad kuna eeg 28ka bisha saddexaad ee sannadkan 2019ka.”

Wasiirka ayaa hore cashuur ugu soo rogay dadka degan guryaha dawladda waxaanu sheegay in aan loo joojinayn in cudur daar loo raadsado in bilaash lagu deganaado guryaha dawladda isaga oo deedafeeyay in agoomihii SNM guryaha qaar degan yihiin.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.