Xukumada Oo Diiday Adeeg Telesom Soo Kordhisay

0
Xukumada Oo Diiday Adeeg Telesom Soo Kordhisay

Xukumada Oo Diiday Adeeg Telesom Soo Kordhisay

Guddida sixir bararka u qaabilsan xukumadda Somaliland ayaa soo saaray go’aammo ku saabsan fulinta amarro lagu dejinayo sixir bararka waxaana ka mid ah qodob si gaar ah u taabanaya adeeg ka mid ah nidaamka Zaad ee Telesom. Shirkadda Telesom ayaa fulinta go’aanka lagu mamnuucay wixii 100 doolar ka yar ku dartay in dadku lacagtooda Doollarka ah u bedeshaan Shillin Somaliland halkii ay kala bixi lahaayeen laakiin, xukumadda ayaa adeeggaasi ka hor timid.

“Waxa ka reeban shirkaddaha bixiya adeegyada lacagta lagu isticmaalo telefoonnada in ay isku bedel lacageed oo dollar iyo Shillin ah ku sameeyaan siistamka gudihiisa,” Sidaas ayay sheegtay guddida xukumadda ee Sixir bararka ku hawlan laakiin, lama oga in adeeggan Telesom ku eeg yahay xilligan kala guurka ah ee bulshadu Zaad-ka doollarka ah uga guurayso Shillinka iyo in uu yahay adeeg joogto loogu talo galay.

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.