Xuduudka Soomaalida Oo Militariga Itoobiya Lagu Daabulayo

0
Magacyada Xubno Awood Badnaa Oo Laga Eryay Xisbiga DDSI
Wasiir Axmed Shide

Xuduudka Soomaalida Oo Militariga Itoobiya Lagu Daabulayo

Madaxweyneyaasha maamullada Soomaalida iyo Oromada Itoobiya ayaa isku raacay in ciidamada Militariga ee Federaalka lagu daabulo xuduudka u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada oo dagaallo ka socdaan kadib amar ka yimid ra’isal wasaare Abiy Axmed.

Ra’isal wasaaraha ayaa saxaafadda ka sheegay walaaciisa dagaalka Oromada iyo Soomaalida waxaanu ku baaqay in la joojiyo iyada oo la adeegsanayo Militariga iyo maamullada Oromada iyo Soomaalida.

Madaxweynaha kilalka 5-aad ee Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar iyo madaxweynaha kilalka 5-aad ee Oromada Lema Megerssa ayaa kulan ay yeesheen kadib aqbalay amarka Dr Abiy islamarkaana ogolaaday in ciidamada Militariga dhakhso loogu daabulo xuduudka labada qoomiyadood.

Wasiirka warfaafinta Itoobiya Axmed Shide ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in madaxda maamulladu isku raaceen dardar gelinta tagitaanka Militariga iyo dadaallo dhankooda ay ku xasilinayaan colaadda. Waxa kale oo ay abaabuli doonan kulamo bulsheed lagu raadinayo xalal waara oo la kala dhex dhigo labada qoomiyadood.

Bulshada Soomaalida Itoobiya ayaa si weyn uga cadhooday hadalka ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed u isticmaalay colaadda Oromada iyo Soomaalida oo ah ‘ in la joojiyo isku dhacyada Oromada iyo Soomaalida’ waxaanay ku doodeen in ay ahayd in uu sheego in Oromadu xasuuqayso Soomaalida sida lagu baahiyay baraha bulshada siiba dad si weyn u taageera xukumadda Cabdi Iley kuwaas oo sawirro iyo qoraallo ka dhan ah ra’isal wasaare Abiy ku faafiyay baraha bulshada kuna eedeeyay in uu qoomiyaddiisa Oromada la jiro maaddaama uu eedda saari waayay Oromada.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.