Xubno Ka Tirsan Alshabaab Oo Lagu Qabtay Sanaag

0
Xubno Ka Tirsan Alshabaab Oo Lagu Qabtay Sanaag
Sawir hore

Xubno Ka Tirsan Alshabaab Oo Lagu Qabtay Sanaag
Cabdirisaaq Faarax Warsame taliyaha qaybta ee ciidanka gobolka Sanaag ayaa laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da u sheegay in ay shalay qabteen xubno ka tirsan ururka Alshabaab oo ku sii jeeday Alshabaabta ka dagaallanta buuraha Galgala.

“Dadka aanu qabanay waxay ka mid ahaayeen dad ciidamada Xarakada Alshabaab ka mid ah oo koonfur ka yimid kuna biirayay ciidanka ka dagaallama Buuraha Galgala, marka waanu helay xogta in ay soo socdaan oo ku wajahan yihiin buuraha sida ay noo sheegeena waxay ka yimaaddeen Beledweyne gobollada dhexena way u dhasheen waxay ka soo gudbeen Galbeedka Burco markii ay habeeno joogeena waxay yimaaddeen Ceerigaabo, Ceerigaabana waxay uga sii gudbeen Badhan, Badhana waxay uga sii gudbeen buurta dambeedna sidaas baanu ula soconay oo ciidamadu ishay ku hayeen dabeedna meel barkado ku yaallan oo Dix-dhaaxood ka shishaysa oo Buurta laga galo ayay ciidanku u sii galeen halkaas ayaa lagu qabtay shan qof iyo gaadhi Languruusal ah oo ay wateen oo agabkii ciidamadu saaran yahay markii ay isku dayeen in ay dagaallamaan ama baxsadaana waxa dhintay nin afartii kalena waa la qabtay,”Sidaas ayuu yidhi Cabdirisaaq.

Waxa uu sheegay in ay nimankaasi u sheegeen in ay ku socdeen kooxda Alshabaab ee Galgala sidoo kalena u sheegeen dad u fududaynayay socdaalkooda sida gabadh magaalada Ceerigaabo ku sii tabantaabisay oo dhanka dhaqaalaha iyo hagidda ka caawinaysay.

Xigasho: BBCSomali.

Sayruuqnews

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.