Xubnaha Habar Awal ee Golaha Dhexe Ee kULMIYE Oo Caawa Madaxweyne Siilaanyo Qaabilay +Gacan Qaadkii Muuse +Taageeradda Beesha Bariga Burco.

0

Hargeysa(Sayruuq)- Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa  Caawa kulan la qaatay aqlabiyadda golaha dhexe KULMIYE kaga jirta Beesha Habar awal oo ay xaadir ahaayeen 71 xubnood halka lix Maqanane waraaq ay soo saxeexeen la hordhigay madaxweynaha waxaa kulanka SIILAANYO ku wahelinayay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdirxmaan Saylici ,Gudoomiyaha Xibul xaakimka Muuse Biixi Cabdi,Wasiirka Duulista iyo Hawda Maxamuud Xaashi,Xildhibaan Cali Mareexaan.

Xubnahan oo ku saxeexnaa liis dheer ayaa laga hor akhriyay madaxweynaha taaso ay ku cabireen in ay sii buxda taageeradooda u siyeen gudoomiye Muuse Biixi sido kalena lix xildhibaan oo ka maqana ay kula socdaan hawshan.

Madaxweynaha ayaa gacan qaaday Muuse islamarkaana u sheegay in garab istaagayaan sido kalena u tilmaamay inuu xoojiyo soo kasabashadda beelaha ka maqan si uu u helo cududii musharaxnimo .

Beesha Madaxweyne Siilaanyo ayaa iyadu si diblumaasiyadaysan u raacday Muuse Biixi taaso aan laga arag marnaba shaashaadaha iyo Huteeladda caasimadda Hargeysa balse lama garanayo wali beelaha kale ee sharaxan cida ay codkooda ugu shubayaan.

Isku soo wada duubo loolan adag ayaa xisbiga KULMIYE labbadii wiig ee u danbeysay ka dhex aloosana taaso xaraaradda siyaasadda Somaliland cirka ku shareertay ,lama garan doono saadasha cida ay ka qoslin doonto 10 ka NOVEMBER .

M.Axmed

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.