Xubnaha Degdegsan Salaad Aan Wakhtigeedii La Gaadhin Bay Tukanayaan

0
Xubnaha Degdegsan Salaad Aan Wakhtigeedii La Gaadhin Bay Tukanayaan

Xubnaha Degdegsan Salaad Aan Wakhtigeedii La Gaadhin Bay Tukanayaan

Ku Dhawaaqida u Tartamida Hoggaanka Xisbiga Kulmiye Waa sidii Salaad aan Wakhtigeeda gaadhin oo la Tukanayo !

Kaysar Maxamed Cabdillaahi

Waxaa dhagaha bulshada beryahan danbe ku soo badanayay niman masuuliyiin ah oo intay warbaahinta soo hor fadhiistaan ku tiraabaya inay u tartamayaan Gudoomiyanimada Xisbiga Kulmiye, run ahaan waxaa yaab leh iyada oo aanuu jirin meel Xisbiga KULMIYE ku iclaamiyay inuu jiro tartan noocaas ahi, inaga oo mika uun doorasho ka soo baxay, ayaa hadana waxaad moodaa in dadka ku dhawaaqaya inay murashixiin u yihiin hoggaanka Xisbiga in degdeg badani uu ka muuqdo, oo ay u eeg yihiin sidii qaar u sara-kacay salaad aan wakhtigeedii soo gelin.

Marka Koowaad Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE waa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu Dastuurku Xaq u siinayo inuu Shan sanadood ka dib Xaq u Leeyahay inuu mar kale is sharraxo hadii uu isagu doonayo, sidaas darteed ma jirto sabab loo barbar cararo oo imika oo loo yidhaahdo Gudoomiyaha Xisbiga aan u tartano. Haddii uu Madaxweynuhu Shan sanadood ka dib uu isagu si iskii ah uu isaga daayo inuu tartamo mar labaad, oo uu waa halkii Samaalee uu Haakah yidhaahdo markaas ayuu tartanku inoo furan yahay, waa shan sanadood ka dib haddii uu Allah Raali ka noqdo oo uu waliba ah hadii uu Madaxweynuhu goaansado inaanuu mar kale is sharrixin, Laakiin hadii uu go’aansado inuu Mar kale is sharraxo oo ay waliba u badan tahay inuu Mar kale is sharraxi doono hadii uu Allah raali ka noqdo markaas xiliga laga hadli karo tartanka Gudoomiyanimo Kulmiye waa Sanadka 2027 iyo wixii ka sii danbeeya.

Dhanka kale hadaan eegno waxaa Muhiim ah in la ogaado in Gudoomiyanimada Xisbiga KULMIYE aanuu noqon doonin mid ay tartankiisa ka qayb galaan Qof kasta oo lagu tuhmayo inuu Xaday ama Musuqmaasuqay Hantida Ummada ama Taariikh Madow ku leh Dalka, Waxaa hubaal ah in kuwo badan oo imika u haliilaya oo warbnaahinta ka sheega ama u guclaynaya inay ku tartami doonaan Gudoomiyanimada Xisbiga KULMIYE ay yihiin qaar ummadu ay soo tijaabisay oo ku suntan Musuqmaasuq, Qabyaalad iyo hanti-boob.

Marka uu Madaxweynaha Qaranka Mudane Muuse Biixi Cabdi uu isagu si iskii ah oo Xor ah u Iclaamiyo in lagu tartamo Hoggaanka Xisbiga ayuun buu tartanku furmi karaa, inta xiligaas ka horraysa waa rag gud-cur gudaya kuwa ku hadrraya inay u tartyamayaan Hoggaanka Xisbiga.

Shan Sanadood iyo Wixii ka sii danbeeya ayuunbaa laga hadli karaa in lagu tartamayo iyo Madaxweyane Muuse Biixi sii hayn doono oo uu doorashada danbe ka qayb gali doono iyo in kale, marka xiligaas la gaadho 5 Sanadood iyo Haakah dabadeed ama wixii ka danbeeya 2027 ka ee ay labada Xilli Xukun ay ka dhamaadaan Madaxweyne Muuse. Waa Xiligaas Ballanteenu ninkii uu Allah gaadhsiiyo. Xiligaas la suga burhaantiina.

Ugu danbayn waxaan u soo jeedinayaa Xubnaha degdegsan ee ka hadlaya arrin aan wakhtigiisa la gaadhin inay ummada ka xishoodaan oo ay sugaan xiliga la gaadhayo u tartanka hoggaanka xisbiga.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.