Xogo Laga Helay Kulanka Geelle Iyo Alpha Conde

0
Xogo Laga Helay Kulanka Geelle Iyo Alpha Conde

Xogo Laga Helay Kulanka Geelle Iyo Alpha Conde

Madaxweynaha dalka Gini Mr Alpha Conde oo dalkiisa ku soo dhaweeyay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa muujiyay in madaxweyne Geelle dhexdhexaadin ka dhex wado Somaliland iyo Soomaaliya.

Alpha Conde oo la hadlayay madaxweynaha Jabuuti Mudane Geelle ayaa yidhi ” Waad ku mahadsan tahay dedaalkaaga dhexdhexaadinta ah ee aad ka dhex waddo Somaliland iyo Soomaaliya.”

Waxa uu intaasi raaciyay “Madaxweyne waad ku mahadsan tahay sida wanaagsan ee aad uga soo jawaabtay martiqaadkii aan kuu fidinay adiga oo soo galay safar dheer oo todoba saacdood ah.”

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo Alpha Conde ku ammaanay doorkiisa Afrika ayaan soo hadal qaadin arrinta Somaliland iyo Soomaaliya.

Geelle oo aan hore u tagin Gini ayaa la is waydiinaya sababta keentay xilligan iyada oo uu dhawaan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi safar ku tagay Gini kaas oo sababay in Soomaaliya xidhiidhka u goyso Gini mana cadda in Geelle dhexdhexaadinayo Soomaaliya iyo Gini.

Xigasho: Geeska Afrika

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.