Xogo Ku Saabsan Damaca Eng Faysal Cali Waraabe Ee Xukumadda Madaxweyne Muuse Biixi

0

Hargeysa(Sayruuq) Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa 9-kii bishan hadal uu ka jeedinayay munaasibad xadhigga lagaga jarayay Siilaanyo Library waxa uu ka jeediyay hadal su’aalo badan dhaliyay. Eng Faysal ayaa sheegay in uu la shaqaynayo madaxweynaha la doortay mudane Muuse Biixi laakiin, hadalkiisa ayaa u muuqday in uu qayb ka noqonayo golaha wasiirrada ama uu qayb ka noqonayo hoggaaminta dalka(Decision making).

“Waxaan jecelahay in aan Jeegaanta, Garxajiiyada iyo waxaas iska laabno, sharciyana waan soo saarayna kala saaraya Siyaasiyiinta, Salaadiinta iyo cuqaasha, khad cad baanu samaynayna, Waddanka sharcigaan ku soo dejinayna. Axmed Siilaanyo nin macaan buu ahaaye hadda qadhaadhkii ayaanu bilaabayna insha Allaahu tacaala,” Sidaas ayaa hadalkiisa ka mid ahaa iyo weedho kale uu u muuqda in uu talada wax ku yeelan doono.

Arrintan ayaa dadka qaar baraha bulshada iyo meelaha lagu kulmo kaga doodayeen doorka Eng Faysal ee arrintan ku saabsan ama xagga uu haysto si uu arrimahan wax uga qabto. Eng Faysal ayaa doorashadii lala xidhiidhinayay in uu gacan saar la leeyahay xisbiga Kulmiye siiba Muuse Biixi laakiin, doorashadu sidii ay u dhacday wuxuu ku macneeyay “Illaahay iyo Rasuulkiisa ayaa garanaya.”

Xogo shabakadda Sayruuqnews heshay ayaa caddeeyay in Eng Faysal Cali Waraabe ka doonayo madaxweynaha la doortay in uu xil muhiim ah oo wasiirnimo siiyo siyaasi ka mid ah xisbiga UCID siiba kuwa ay sida weyn isugu dhaw yihiin. Xogaha ayaa intaas ku daray in saamiga golaha wasiirrada laga siinayo beesha Eng Faysal uu doonayo in ay qayb ahaani ka timaaddo xisbigiisa UCID oo loo arko in uu gacan saar la lahaa xisbiga Kulmiye. Wararka ayaa intaas ku daray in Madaxweynaha la doortay kulan uu dhawaan la qaatay oo arrintan ku saabsan aan ballanqaad rasmi ah loo samayn, islamarkaana Madaxweynaha la doortay u sheegay in aanu wali u dhaqaaqin dhisidda golaha wasiirrada.

Madaxweynaha la doortay ayaa ilaaliyay xogta dawladdiisa islamarkaana aanay jirin cid wax ka og ilaa xilligan. Dadka la soo halgamay ayaa u muuqda in qaar badan aanay ka hayn waxay ka filayeen kuna qanceen qorshihiisa ah ‘waxna ha iga sugin hana iga quusan’ xukumadda uu soo dhisi doono Madaxweynaha la doortay waa mid talo badan laga bixiyay laguna nuuxnuuxsaday in aanay noqon mid abaal celin ku salaysan laakiin, sarraynta sharciga iyo caddaalada lagu saleeyo balse cid walba waxay ka bogan doonta marka lagu dhawaaqo

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.