Xogo Ku Saabsan Bookhashada Farmaajo Ee Burundi

0
Burundi Oo Diidan In Ciidankeeda Kala Baxdo Somalia

Xogo Ku Saabsan Bookhashada Farmaajo Ee Burundi
Bujumbura(Sayruuq) Madaxweynaha dawladda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa galabnimadii shalay si diirran loogu soo dhaweeyay dalka Burundi. Madaxweynaha dalkaas Pierre Nkurunziza ayaa madaarka ku qaabilay madaxweyne Farmaajo oo socdaalkiisu ku soo beegmayo iyada oo dalkiisu culays kala kulmayo dawladda Kenya oo xidhiidhka diblamaasiyadeed u jartay.

Sawirrada soo dhawaynta ayaa muujinaya in si diirran loo qaabilay Farmaajo laakiin, waxa jira xogo ku saabsan in dawladda Burundi diidan tahay in ay ciidamadeeda AMISOM ka tirsan la baxdo. Dhammaadkii 2018 ayaa la filayay in ay baxaan kun askari oo Burundiyaan ah kuwaas oo ibo fur u noqda qorshe AMISOM lagaga saarayay Soomaaliya laakiin, waxa la hadal haya in bilaha soo socda ciidamada la filayo in ay baxaan.

Madaxtooyada Soomaaliya waxa ay sheegtay in labada madaxweyne yeelan doonan kulamo ay ku lafo gurayaan xoojinta iskaashiga labada dale e ammaanka. Waxa kale oo lagu sheegay qoraal warbaahinta dawladda Soomaaliya baahisay in xukuumadda Farmaajo ay ka go’an tahay dib u xoojinta xidhiidhka dalalka Afrika.

Geesta kale Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro) oo ka tirsan saraakiisha ciidamada Soomaaliya ayay Idaacadda VOA Soomaali shalay waydiisay in aaggaga ay joogaan ciidamada Burundi ka maarmayaan waxaanu ku jawaabay “Anigu ma qabo arrintaas. Waxaan aaminsanahay gobolka Shabeellada Dhexe ayay u badan yihiin ciidamadaasi, gobolka Shabeellada Dhexena cadaw aad u xun baa ka soo horjeeda oo umadda isu socodkeedii dhibay oo Illaahay mahadi ha ka gaadhee ciidamada qalabka sida iyo kuwa AMISOM waxay suuro geliyeen in nidaam iyo maamul gobolkaas ka jiro awaamiirta dawladduna ka socoto, marka lagama dhamma ayaan qaba laakiin, kollayba dawladda laga sugaya go’aanka iyo waxa ay ku bedelayso,” Waxa uu intaasi ku daray in aanay jirin ciidamo Soomaali ah oo hawsha kala wareega AMISOM isaga oo beesha caalamka ku eedeeyay in aanay ciidamada Soomaalida siin tababar iyo saanad ciidan oo u dhiganta tan AMISOM haysato.

Dhinaca kale warbaahinta The East African ayaa ku warrantay in xukuumadda Burundi ka soo horjeedo in ciidamadeeda Soomaaliya jooga la saaro. Waxa damaceedu yahay in ciidamada Midawga Afrika ee Soomaaliya jooga loo qaybiyo kunka askari ee baxaya, islamarkaana dal walba inta kaga soo hagaagta la baxo. Burundi waa dalka labaad ee ciidamada ugu badan ka joogaan Soomaaliya waxaana AMISOM ku leedahay ciidamo ka badan shan kun oo askari.

Ciidamada Burundi ee Soomaaliya jooga ayaa dalkooda u soo xareeya lacag dhan 18 Milyan oo dollar saddexdii biloodba taas oo lagu siiyo ciidamada ay ku deeqeen. Sidoo kale ciidamada AMISOM ayaa askarigiiba mushahar u qaata lacag dhan 1028 oo dollar taas oo arrimaha maamulka ee dalkooda looga jaro askarigiiba laba boqol oo dollar.

Socdaalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku soo beegma xilli xiisad adag ka dhexeyso dawladda Kenya oo iyada lafteeda ciidamo badan oo qaybo Soomaaliya ka mid ah ammaankooda suga kaga jiraan AMISOM waxaana la filaya in arrimahaasi sahlaan in dawladda Burundi ku qancin karto ololaha ay ugu jirto in haddii ciidamada AMISOM la dhimayo dalalka loo qaybiyo tirada la dhimayo lana sameeyo saami dal kasta ku hagaagaya.

Dhawaan waxa talada ciidamada AMISOM la wareegay sarkaal Itoobiyaan ah waxaana soo baxay warar sheegaya in madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ka cadhooday tallaabadaasi, islamarkaana xukuumadda Muqdisho u dirtay guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh. Waxa kale oo dhawaan xiisad abuuray madaxweynaha Uganda oo sheegay in aanay Soomaaliya dawlad ka jirin.

Khilaafaadka u dhexeeya Muqdisho iyo Nairobi, xukuumadda Soomaaliya oo dhibsatay hadalkii Yoweri Museveni iyo xidhiidhka aan fiicnayn ee Muqdisho iyo Jabuuti ayaa u muuqda in dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya loolan u dhexeeyo xilli xidhiidhka Muqdisho iyo Addis Ababa aad u fiican yahay.

Source: Wargeyska Waaberi

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.