Xogo Ka Soo Kordhay Xiisadda Ceelafweyn

0

Deddaalo xooggan oo la xidhiidha shaqaaqooyinkii u dambeeyey ee Gobolka Sanaag, ayaa labadii maalmood ee u dambeeyey socday, kuwaas oo ay Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xukuumaddiisu wadeen.

Deddaaladan ayaa ujeeddadoodu ahayd sidii wax looga qaban lahaa laba qodob oo kala ah khilaafyada hubaysan ee u dhexeeya Beelaha wada dega Ceel Afweyn iyo arrinta Jabhada uu hoggaamiyo Kornayl Caarre.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Xukuumadda oo la xidhiidh deddaaladan iyo shaqaaqooyinkii u dambeeyey, hase yeeshee wararka xogogaal ah ayaa tibaaxay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi kulamo gooni gooni masuuliyiin Xukuumaddiisa ka tirsan iyo Odayaal la yeeshay, kuwaas oo uu kala hadlay xal helida dhibaatooyinka ka alloosan Sanaag, isaga oo madaxweynuhu ku cadaadiyey madaxda Xukuumaddiisa ee deegaannadaas ka soo jeeda in looga baahan yahay in ay doorkooda qaataan.

Illaa imika natiijooyinka ka soo baxay deddaaladan, ayaa la tilmaamay in ay ka mid tahay in mid ka mid Beelaha colaaddu u dhexeysay ee Ceel afweyn, gaar ahaan Beesha Biciide/Baho, ogolaatay in ay dawladda ku wareejiso hub ay haysto, si loo helo nabad ka hano qaada deegaannadaasi.

Sidoo kale, waxa socda deddaallo lagu doonayo in lagu xaliyo arrinta Jabhada Caarre, taas oo gacan lagu hayo, isla markaana la filayo in maalmaha soo socda dhinac u dhacdo.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa qayb ka ah masuuliyiinta wada deddaaladan.

Source: Suxufi Saleebaan Xaashi

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.