Xogo Iftiimiyey Ujeedada Rasmiga ah ee Weftiga Madaxweyne Siilaanyo ugu Baxeen Imaaraadka Carabta

0

Madaxweynaha Somaliland oo si kooban uga hadlay safarkiisa dalka Imaaraadka Carabta

“Waxa aanu u baxaynaa safar magaalada Abu Dabai, iyadoo aannu ka wadahadli doono mashaariic labada dal ka dhexeeya oo dan ugu jirto dalka Jamhuuriyadda Somaliland”

Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa (Sayruuq)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hogaaminayo, ayaa safar shaqo ugu baxay dhinaca dalka Imaaraadka Carabta shalay.

safarka UAE3

Madaxweyne Siilaanyo oo madaarka Hargeysa ka dhoofay, ayaa si kooban uga hadlay ujeedada socdaalka ay ugu baxeen dalka Imaaraadka Carabta, waxaannu yidhi; “Waxa aanu u baxaynaa safar magaalada Abu Dabai ee dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo aannu ka wadahadli doono mashaariic labada dal ka dhexeeya oo dan ugu jirto dalka Jamhuuriyadda Somaliland, mashaariicdaas oo ah qaar aannu horeba u wada wadnay, waxaanan safarkaas ku maqnaan doonaa in muddo ah, waxaanan rajaynaynaa in annaga oo khayr qabna ku soo noqono dalka Insha Allaah.”

safarka UAE2

Weftiga madaxweynaha Somaliland waxa xubno ka ah; xaaska madaxweynaha marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, Wasiirka Warfaafinta Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancadde, Wasiirka Khayraadka Biyaha Md. Baashe Cali Jaamac, Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka Md. Xasan Daahir Dhimbiil, Xoghayaha gaarka ah ee madaxweynaha Mr. Cali Axmed Cali iyo Sabaax Cali Diiriye oo ah xoghayaha marwada madaxweynaha.

Si cad looma oga ajandaha kulannada weftiga madaxweynuhu yeelan doonaan iyo cidda ay la kulmi doonaanba, balse sida xogo Jamhuuriyahelay tibaaxeen, ujeedada safarka madaxweynaha, ayaa la xidhiidha mashaariicda dhinaca biyaha ah ee dawladda Imaaraadku ka fuliso Somaliland iyo sidoo kale inay wadahdal la yeeshaan shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka oo xiisaynaysa inay maalgashi ku samayso dekedda magaalada Berbera.

safarka UAE12

Wasiirro ka tirsan xukuumadda, ayaa dhawr jeer ooh ore safar ugu baxay dalka Imaaraadka Carabta, kuwaasoo kulanno kala duwan iyo wadahadalo la yeeshay madaxda shirkad laga leeyahay Imaaraadka oo la yidhaah DP Dubai World, taasoo xiiso weyn u qabta inay maalgashi ku samayso dekedda Berbera, balse ilaa hadda wax heshiis ah lagama gaadhin arrintaas, iyadoo ay jiraan shirkado kale oo danaynaya maalgashiga dekedda.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.