Xogo Dheeraad ah oo Laga Helay Mowqifyada Muddo-kordhinta ee Mucaaridka iyo Muxaafidka Somaliland

0

Hargeysa (Sayruuq)- Wejiga 3aad ee wadahadalka u dhexeeya mucaaridka iyo muxaafidka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa loo ballamay in markale la isugu yimaad Isniinta berri oo ku beegan 25 May 2015, kadib markii heshiis rasmi ah laga gaadhi waayey wada-xaajood saacado badan qaatay oo labada dhinac isku horfadhiisteen gelinkii dambe ee shalay.

Mucaaridka iyo Muxaafidka

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo markii kulankaasi dhammaaday la hadlay saxaafadda, ayaa sheegay in wadahadalku yahay mid furan oo sii socon doona, mar kalena la isugu iman doono Isniinta berri haddii Ilaahay yidhaa.

“Waxa noo socday wadahadal lagaga arrinsanayey khilaafka ka dhashay dib-u-dhaca doorashooyinka, waana maalintii labaad ee wadahadalka la isugu yimaad, hawsha la hayaana mid yar maaha ee waa hawl qaran oo muggeeda, culayskeeda iyo rog-rogeedaba leh, markaa wax cusub oo ga’aan ah oo la gaadhay ma jiro, hadalkuna wuu sii soconayaa insha Allaah, waxaana dib loo ballamay maalinta Isniinta ee taariikhdu tahay 25 May 2015,” ayuu yidhi Md. Saylici, isagoo meesha ka saaray inay jiraan wax is-marinwaa ah u dhexeeya mucaaridka iyo muxaafidka.

“Gar laba nin loo qaadayo ayaa qaadata waqtiyo badan oo toddobaadyo iyo bilo ah, balse waaba arrin dhan oo masiiri ah oo loogu talinayo qaranka Somaliland, Markaa wadahadalka kama hordhacayno, wuuna socon doonaa, waxaanan ummadda u sheegaynaa in wadahadalladu socdo, insha Allaahna aynu waxeenna dhammaysan doonno,” ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeenku.

Dhinaca kale, ilo-wareedyo kala duwan oo Jamhuuriya ka helay kulankii shalay, ayaa tibaaxay in labada xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID sameeyeen tanaasul dhinaca muddo-kordhinta ah, iyadoo la sheegay in WADDANI ogolyahay in muddo hal sanno ah loo kordhiyo madaxweynaha, madaxweyne-ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada, halka UCID-na la shir yimaaddeen muddo-kordhin sannad iyo bilo ah, isla markaana aanay doorashooyinku dhaafin sannadka soo socda ee 2016.

Haseyeeshee, sida iluhu iftiimiyeen, ergada xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE, ayaa miiska wadahadalka la tegay mowqif ah in la raaco, la iskuna qanciyo go’aanka Golaha Guurtidu soo saaray ee muddo-xileedka xukuumadda iyo wakiillada loogu kordhiyey sannadka iyo tobanka bilood, arrintaasoo labada xisbi mucaarid ka muujiyeen diidmo xooggan, laakiin waxa ergada xukuumadda ka muuqday inay diyaar u yihiin in heshiis qaran laga gaadho khilaafka ka dhashay muddo-kordhinta, isla markaana laga wada shaqeeyo sidii loo suurtogelin lahaa in doorashooyin xor iyo xalaal ah ka dhacaan Somaliland.

Sidoo kale, waxa xogahaasi xuseen in ergada xisbiga WADDANI oo uu hoggaaminayey guddoomiye Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ay go’aansadeen in doorashooyinku ku qabsoomaan muddada Komishanku soo bandhigay oo ah 1 June 2016, balse aanay wax intaas ka badan aqbali doonin, diyaarna u ahayn in hal maalin la dhaafiyo waqtigaas sannadka ah.

Mowqifyada kala fog ee xukuumadda KULMIYE iyo labada xisbi mucaarad kala wateen, ayaa la sheegay inuu sababay in kulankii shalay ee dhinacyadu qaato saacado badan oo lays mari waayey, kadib markii dhinac kastaa ku adkaystay mowqifkiisa ku aaddan muddo-kordhinta iyo dib-u-dhaca doorashooyinka, iyadoo ergada xukuumaddu watay qorshe ah in heshiis lagu noqdo muddo-kordhinta Guurtidu soo saareen, halka xisbiga UCID-na soo jeediyey in la sameeyo kordhin sannad iyo bilo ah, laakiin WADDANI ayaa dhinacna u dhaafi waayey inay oggolyihiin sannad qudha ah oo ku salaysan go’aanka Komishanka oo beesha caalamkuna taageersan tahay.

Wadahadalka mucaaridka iyo muxaafidka oo ka qabsoomay hudheelka Ambassador ee magaalada Hargeysa shalay, ayaa isugu jiray mid qado iyo qayilaad ah, waxaannu hadalku si rasmi ah u furmay abbaaro 2:00 duhurnimo gelinkii dambe ee shalay, kaasoo socday ilaa 6:00 maqribnimo, waxaanay xogaha Jamhuuriya helay tibaaxeen in qaar ka mid ah ergada labada dhinac hadallo qallafsan is-dhaafsadeen, taasoo sababtay in mararka qaar hadalku ka xumaado, iyadoo xaraaradda iyo xammaasadda hoolka wadahadalku aad u kacsanayd, maadaama laga wada-xaajoonayey arrin aad loogu kala mawqif duwan yahay, hase ahaatee sida xoguhu sheegeen madaxweyne-ku-xigeenka oo shirguddoominayey kulanka, ayaa xaaladda dejinayey markasta oo ay kululaato, isagoo ergooyinka ka ilaalinayey inay is-weydaarsadaan wax ka baxsan ajandaha kulanka ee arrimaha doorashooyinka.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ayaa markii dhinacyadu is-mari waayeen, isla markaana wax tanaasul ah ka muujin waayeen mowqifkooda codsaday in la siiyo laba maalmood oo ergada xukuumaddu dib isugu noqoto, soona sameeyaan wada-tashi, balse xisbiyada mucaaridka, gaar ahaan WADDAN ayaa diiday in xukuumadda laga war sugo laba maalmood, waxayna ogolaadeen in hal maalin oo qudha la soo sameeyo wada-tashi, kadibna dib loogu noqdo miiska wadahadalka Isniinta berri haddii Ilaahay yidhaa.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.