Xoghayaha WADDANI Oo Dhalliilay Siyaasadda Dhaqaale Ee Xukuumadda Biixi

0
Xoghayaha WADDANI Oo Dhalliilay Siyaasadda Dhaqaale Ee Xukuumadda Biixi

Xoghayaha WADDANI Oo Dhalliilay Siyaasadda Dhaqaale Ee Xukuumadda Biixi
Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Mudane Khadar Xuseen Cabdi (Looge) ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta xisbiga ee Hargeysa waxa uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay dhaqaale xumo weyn oo haysata bulshada Somaliland iyo sida aanu qorshaha dhaqaalaha ee xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi uga turjumayn wax ka qabashada fakhriga iyo dhaqaale xumada haysatay dalka. Xoghayaha ayaa isbarbar dhig ku sameeyay miisaaniyadda hay’addaha halbawlaha u ah waxqabadka bulshada iyo horumarka iyo miisaaniyadda ku baxda hay’ado aan Qaranka waxba ugu fillayn waxaanu soo bandhigay caddaymo muujinaya in la lunsado lacago ku qoran mashaariic.

Xoghayaha ayaa ugu horayn sharaxay aqoonta iyo halbeegga ku saabsan Fakhriga “Xaaladda guud ee dhaqaalaheenu sidee buu yahay maanta? Qiyaasta koobaad ee la eego marka dhaqaalaha la eegayo waa waxa loo yaqaan GDP, waa dhaqaalaheena dhammaan marka la isku daro dakhliga calaa qof soo gala sanadkii waxaana lagu qiyaasa 348 doollar oo macnaheedu yahay qof kasta oo inaga mid ahi wuxuu ku nool yahay maalintii wax ka yar hal dollar marka loo qaybiyo 365 maalmood ee sanadku ka kooban yahay,” Sidaas ayuu yidhi Xoghaye Khadar oo intaasi raaciyay in daraasadaha Bangiga Adduunku ka sameeyay Somaliland sheegayaan in dadka Somaliland ee magaalooyinka ku nool afartii qofba hal qof inka badan ku nool yahay fakhri daran, halka dadka miyiga ku nool saddexdii qofba hal in ka badan ku nool yihiin fakhri daran.

“Fakhriga waxa ay ku cabireen ee ay qaateen in qof walba oo qof weyn ahi bishii uu ku noolaan karo 180,000 Shilinka Somaliland ah (Boqol iyo sideetan kun oo shillin Somaliland ah) taas macnaheedu waxa weeye afartii qof ee reer Somaliland ahba hal qof inka badan ayaa bishii ku nool toban dollar(Boqol kun oo Somaliland shillin ah). Xaaladda guud ee dhaqaalaha dalku waa sidaas,” Sidaas ayuu yidho xoghaye Khadar.

Xoghaye Khadar waxa uu sheegay in qorshaha Qaranka Somaliland ee 2-aad yahay mid si fiican loo diyaariyay kuna salaysan hiigsiga Qaramada Midoobay Dunida u dejisay ee ah in 2030 Dunida laga tirtiro Fakhriga laakiin, qoraalkaas oo khubaro shisheeyaha ka talisay qoraalkiisa fiican aanu ahayn mid la dabakho marka la eego sida xukuumaddu u shaqayso iyo meelaha ay xoogga ku saartay miisaaniyadda ay ku shaqaynayso.

Waxa uu intaasi raaciyay in qoraalka labaad ee laga eegayo waxqabadka xukuumadda ee dhanka dhaqaaluhu yahay miisaaniyadda iyo meelaha ay mudnaanta siisay “Miisaaniyaddeena ayay ka muuqata in aanay xukuumaddeenu qorshe horumarineed lahayn, miisaaniyadda ayay ka muuqata in aanay jirin cid u maqan dadka masaakiinta ah, foqorada iyo dadka taagta daran gobol kasta iyo meel walba oo ay joogaan,” Sidaas ayuu yidhi Xoghayuhu.

Xoghayaha WADDANI waxa uu sheegay in dariiqa ay marto miisaaniyaddu marka la diyaarinayo aanu ahayn mid xalaal ah. Waxa uu tilmaamay in golaha Wakiillada oo ka mid ah dariiqyada ay marto oo ah in ay fatashaan kana doodan ay si duuduub ah isku dhaafiyaan.

“Sidee bay xukuumaddu qorsheyaasha u kala hormarisay oo mudnaan ugu kala samaysay Miisaaniyadda? Miisaaniyaddii dariiqa la mariyay in aanu saxsanayn waynu aragna, in aanu baarlamaanku ka doodin, xisaab xidh in aanu jirin waayo marka aad haysato xisaab xidhkii 2017, marka aad haysato xisaab xidhkii 2018 wuxuu ku siinaya in aan dawladda eegto sidee bay shaqadeedii u qabatay, odhidkii muxuu qabtay, qiimayntii miisaaniyaddii hore maxaa ka soo baxay, waxaas oo dhan waxa ina tusaya waa xisaab xidhka. Dhukumantiyadani in ay sir noqdaan maaha waa in ay daahfurnaadan waa meelaha ay shacabka, xisbiyada iyo siyaasiyiintu kula xisaabtamayaan dawladda in ay shaqadeedii si daahfuran u hayso. Maxay u qarinayaan xisaab xidhyadaas miisaaniyaddii 2016-kii, miisaaniyaddii 2017-kii, miisaaniyaddii 2018-kii iyo miisaaniyadda 2019 waxa ku jira wax badan oo aan la qaban tusaale ahaan waxa intaasba ku jiray dhismaha Garoonka Timacadde garoonkiina marnaba lama dhisin lacagtaasi xaggay tagta? Xisaab xidhkay ka muuqan lahayd.
Lacagtaas sanad walba waa lagu soo dara marka xaggee bay tagta? Waa la lunsada xaqiiqdii laakiin, sidee loo lunsada waxay ka muuqan lahayd xisaab xidhka laakiin, lama doonayo in xisaab xidh la keeno. Hay’addihii Odhanka iyo hanti-dhawrkiina maalinba xafiis ayay warqad yar ku dhejinayaan oo ay xidhayaan wax ka soo baxana ma jiro ee waa huuhaa oo ilmaha yar ee 7 jirka ah waa og yahay in aanu jirin Hantidhawr si madax bannaan u shaqeeya,” Sidaas ayuu yidhi Xoghaye Khadar.

“Waxa kale oo miisaaniyadda laga eega xaggee bay mudnaanta siinaya? Maxaa Qaran ahaan inoo ah muhiim? Tusaale ahaan siyaasadda arrimaha dibaddu waa inoo muhiim waayo waxaynu doonayna in ay noqono dal madax bannaan oo Adduunka citiraaf ka helno marka shaqo badan badan in la qabto ayaa loo baahan yahay laakiin, wasaaradda arrimaha dibadda kharashka loo qorsheeyay in ay shaqada ku qabato waxa ka badan kharashka loo qorsheeyay wasaaradda warfaaafinta. Waddamada kalitaliska ah ayaa wasaarad waraafineed leh ee sabab allaale sabab aynu wasaarad warfaafineed ugu baahan nahay ma jiro. Dawladdu haddii ay wax fiican qabatana idinka(Saxaafadda madaxa bannaan) ayaa sheegaysa haddii ay wax xun qabatana idinka sheegaya, warbaahin dhisan oo madax banaan ayaynu leenahay sabab aynu wasaarad warfaafineed ugu baahan nahay maba jiro,” ayuu yidhi xoghayaha WADDANI.

“Maxaa kale ee muhiim inoo ah? Shaqo abuurka dhallinyarada muhiim ah, waxa muhiim inoo ah in beeraha maalgalin lagu sameeyo, waxa muhiim inoo ah in shuruucdii maalgalinta la sameeyo oo aynu maalgalin soo jiidano, waxa muhiim inoo ah in aynu biyo helno, ma rumaysan kartaan in wasaaradda beeraha, wasaaradda biyaha, wasaaradda shaqo gelinta oo la isku daray waxay miisaaniyad leeg yihiin wasaaradda warfaafinta, marka idinka la idin waydiinaya waxa ay qabato wasaaradda warfaafintu, waxay qabata borobagaando,” Sidaas ayuu yidhi Xoghayuhu.

Xoghayaha ayaa intaasi raaciyay in hay’ado badan oo qaranka muhiim u ah ay ka miisaaniyad badan tahay Madaxtooyada Somaliland waxaanu xukuumadda ku boorriyay in ay caqli fayow ku eegto miisaaniyadda lana faajiyo waaqaca dalka ka jira.

“Laba guri oo Hargeysa laga dhisayo oo midna lagu maamuusayo madaxweyne xigeenkii hore midna guddoomiyaha baarlamaanka dhaqaalaha ku baxaya ayaa wuxuu isku leeg yahay meel la yidhi Shaybaadh baa laga dhisaya, garoon la yidhi Ceerigaabo ayaa laga dhisaya, garoon la yidhi Oodweyne laga dhisaya, garoonka Timacadde, dhismaha dabdamiska Berbera, dhismaha dabdamiska Laascaanood waxaas oo dhan lacagta loogu talo galay waa lacag leeg lacagta lagu dhisayo laba guri oo lagu maamuusayo laba nin oo odayaal ah. Odayaasha in la maamusa waa sax laakiin, waxaad arkaysa qorshaha aynu leenahay iyo halka aynu u socono ee humaagga ah,” Sidaas ayuu yidho Xoghaye Khadar.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.