Xoghayaha Kulmiiye Oo Xaqiijiyay Jiritaanka Warqadda Wikileaks Faafisay iyo Nuxurka Ay Xambaarsan Tahay

0

Hargeysa (Sayruuq)- Xoghayaha guud ee Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa xaqiijiyay jiritaanka Warqadda sirta ah ee Shabakadda siradaha aduunka faafisaa ka jabsatay Wasaaradda khaarajiga ee Sucuudiga, warqaddaas oo sheegaysay jiritaanka heshiis Somaliland, Puntland,Somalia iyo Maamulada kale wada jir u saxeexeen oo ku saabsan samaynta dawlad federal ah.

Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul iyo xubo kale oo xukumadda u hadlay maalmihii la soo dhaafay ayaa ku dooday in warqaddaasi been abuur tahay, balse Xoghaye Xasan Siciid, ayaa sheegay inay jirto warqadu balse aanay xukumaddu lug ku lahayn.

“Warqaddaas ay Wikileaks fidisay haddaynu turjumaadeeda intii inaga khusaynaysay aynu ka eegno, waxa weeye waxay yidhaahdeen “Dawladda kumeel gaadhka ah ee Somalia, Jamhuuriyadda Somaliland, maamul goboleedka Puntland iyo dhawr urur oo maleeshiyaadka Somalia raacsan ka mid ahi waxay saxeexeen heshiis nuxurkiisu yahay baarlamaan cusub oo laba gole ka kooban, iyo dastuur cusub oo ogolaanaya nidaam federal ah oo loo sameeyo Somalia, taariikhdu markay ahayd 26-02-1432 Hijiriyada oo waafaqsan 18-02-2012,” waaba intaas warqada Mucaaradka oo dhammi la qaylinayay” ayuu yidhi Xoghayaha Kulmiye oo saxaafadda kula hadlay xarunta xisbiga ee Hargeysa.

Haddaba isagoo warqaddan ka sii hadlay waxa uu intaasi raaciyay xoghaye Xasan Siciid “haddaba is waydiintu waxay tahay warqaddu intaas ha noqotee, maxay intani tilmaamaysaa?, xaggay ka soo baxday? May tilmaamin Wikileaks iyo warqaddani toona meesha shirka lagu qabtay iyo heshiiska la galay midnaba laakiin waxay tidhi intaas baa la qabtay.
Waxaa caddaan ah markii dib loo baadhay arrintaasi inay ku beegnaanaysay shirkii u horeeyay ee loo qabtay Somalia ee Ingiriiska oo ku beegnayd 23-02-2012. Shirkaasi markii uu soo baxay ee Ingiriisku yidhi waxaanu London shir ugu qabanaynaa kooxihii Somalia, Somaliland way qaadacday oo waxay tidhi shirkaas kama qayb galayno” ayuu yidhi Xasan Siciid.

Xasan Siciid waxa uu sheegaya inaanay fahmin sababta sucuudigu sidaas u yidhi iyo waxa uu uga jeedo “Wikileaks waxay baahisay waa intaas aan idiin sheegay, waxay ka baahisayna waa Safaarad sucuudiga ah oo war u diraysay wasaaraddeeda arrimaha dibadda, iyada wasaaraddaasi waxay doonto ha uga jeedo ama ha is moodsiiso in Somaliland ka qayb gashay shirka kooxahaas Somalia, ama aanay aqoonba in Somaliland jirtaba, iyadu siday doonto ha u fikirto” ayuu yidhi Xasan Siciid.

Warqaddan oo todobaadadii la soo dhaafay laga dhex helay dhukumentiyo tiro badan oo shabakadda Wikileaks ka jabsatay Sucuudiga ayaa Mucaaradku ku macneeyay mid muujinaysa qorsheyaasha dahsoon ee xukumadda iyo inay tahay talaabo khiyaamo qaran ah oo xukumaddu ku talaabsatay, waxaana si aada u hadal hayay bulshada Somaliland oo ku jaahwareersanayd xaqiiqada warqaddan

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.