Xogaha Kasoo Duulay Wadahadaladii u Socdey Xisbiga Waddani iyo Siyaasiyiinta Xisbiga Kulmiye Ee Maxamuud Xaashi Kamid ahaa

0

Xogaha Kasoo Duulay Wadahadaladii u Socdey Xisbiga Waddani iyo Siyaasiyiinta Xisbiga Kulmiye Ee Maxamuud Xaashi Kamid ahaa

Iyadoo Mudooyinkii u Dambeeyay, hadalhaynta Wadahadalkani si aad ah uga dhex, Socdey Guud ahaanba Bulshada Reer Somaliland, oo falanqaynaysay halka uu ku dambayn doono heshiis Siyaasadeed oo ay Qalinka ku Duugaan Siyaasyiin hore uga tirsanaa Xisbiga Kulmiye oo u Diga-roganaya Xisbiga Waddani, Waxaa si aad ah loo hadalhayey Maxamuud Xaashi Cabdi Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo, oo hogaaminaya Kooxo Siyaasiyiin ah, oo ay Qaarkoodna isku beel kasoo Wada jeedaan Qaarkoodna ay isku Xisbi iyo isku Koox isku aragti ah ahaayeen, iyadoo Maalmihii u Dambeeyay Caasimada Hargeysa uu ka Qabsoomay Kulano door ah oo ku Wajahan in ay labada dhinac isla Meel dhigaan Heshiis Siyaasi ah oo Mustaqbalka ku Xidhiidhsan.

Xanshashaqa, iyo Xogaha hordhaca ah ee yeedhayeedhaha kulanadan, kasoo baxay ayaa La Sheegayaa in ay labada dhinac ka Gaadheen heshiis Rasmi ah, oo aan lahayn qabyo la Sheegi karro Wakhti Xaadirkan, Kadib Markii Xogahaasi tibaaxeen in Heshiiska u dhexeeya Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani iyo Kooxdan Siyaasiyiinta ah ee hore uga Tirsanaa Xisbigii Kulmiye, aanu ahayn Mid Wakhtigan uun ka bilaabmay Caasimada Hargeysa, laakiin Qeybo ka Mid ah lagu Soo dhameeyay Waddanka imaaraadka Carabta islamarkaana, uu saldhig u ahaa Guriga uu Ka degan Yahay Dubai Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo, oo Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro halkaa ku tagay Booqasho gaar ah, oo Baraha Bulshada lagu baahiyay, taas oo iyana ku beegnayd Wakhtigii uu iska Casilay Xukuumada Baashe Cawil, oo Qeyb ka ah Kooxdan Siyaasiyiinta ah ee katirsanaa Xisbiga Kulmiye.

Qoddobada hordhaca ah, ee lagu heshiiyay, ayaa la sheegay in Marka hore Loo ogolaaday Maxamuud Xaashi iyo Kooxda la socotaba, in ay Marka hore kusoo Biiraan Xisbiga Waddani loona Qabto Xaflad soo dhaweyn ah, kadibna Loogu Daro Xisbiga Xubno tira badan, oo kamid Noqda Golaha Dhexe ee Xisbiga, Sidoo Kalena Tiro Muhiim ah looga Qeyb galiyo Shirweynaha Soo Socda, intaa kadibna Maxamuud Xaashi Cabdi Shirweynaha dhexdiisa loogu Doorto Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Xisbiga, Marka taa laga Gudbana Wakhtiga uu Guulaysto Xisbiga Waddani Doorashada Madaxtooyada mudo 45 Maalmood kadib lagu Wareejiyo, Xisbiga arintaas, oo aan Wali Si Rasmi ah ugu soo Bixin Dibadda Waxaa siweyn looga Dareemayay maalmahan, in ay ka biyo Diidsanaayeen Nuxurka Wadahadalada labada dhinac Qaar Ka mid ah Taageerayaasha Xirsi Cali Xaaki Xasan, oo isaguna kamid ah Hogaanka Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani rajo badana ka qabay Mustaqbalka Siyaasadeed ee Xisbigaasi in.uu Hogaamintiisa Door ku yeesho.

Sikastaba ha ahaatee, halka ay arimahani Biyo dhigaan Waxeynu ka ogaan doonA, Marka ay Labada dhinac ee Xisbiga Waddani, iyo Siyaasiyiinta Katirsanaa Xisbiga Kulmiye Usoo bandhigaan Warbaahinta, iyadoo Geesta Kalena la hadalhayo in Isla Xisbi Xaakimka Kulmiye ku ishaafalataysanayo, halka uu Heshiiskaa Siyaasiga ahi biyo dhigo, taas oo iyagana Wararka kasoo duul duulaya lagu Sheegay hadii Xisbiga Waddani Maxamuud Xaashi iyo Kooxdiisa u balanqaado Gudoomiyaha Xisbiga in ay iyaguna ku Wareejinayaan Xasan Gaafaadhi Wasiirka Caafimaadka…

Lasoco Wixii kasoo Kordha.
W/Q Cabdiraxmaan Hiiraan

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.