Xog Dheeraad Ah Oo Ku Saabsan Khasaaraha Weerarkii Hotel Jaziira Ee Muqdisho

0
Somali government soldiers stand near the ruins of the Jazeera hotel after an attack in Somalia's capital Mogadishu, July 26, 2015. REUTERS/Feisal Omar

Muqdisho (Sayruuq): Xogo dheeraad ah ayay wararku sheegayaan inay kasoo baxayaan khasaaraha ka dhashay weerarkii ay axaddii Xarakada Al-Shabaab ku qaaday hotelka Jaziira oo hoy u ahaa ajaanib kala duwan.

Inkastoo qaar ka mid ah dowladahii ay safaaradohoodu degganaayeen hotelka qireen wax yeeladooda, ayaa hadana waxaa jirta in idaacadda Al-furqaan oo ka mida warbaahinta koonfurta Somaliya ay heshay xog dheeraad ah oo dhacdadaasi ku saabsan.

Xogtan ayaa dhimashada guud ku sheegtay  38 qof, halka dhawucuna gaadhayo 70 ruux oo ay ku jiraan kuwa xaaladoodu halis tahay sidaasi waxay idaacaddaasi sheegtay inay u xaqiijiyeen Ilo lagu kalsoon yahay.

Xogta idaacaddani ay heshay ayaa waxaa kaloo ka mida in dhimashada dadka ajanibta ah ay gaadheyso 10 Qof, halka dhaawacyadoodana inta la arkay ay tahay 3 ruux, waxaana ajanibta ku dhimtay hotelka iyo kuwa dhaawacmay u badan yihiin Shiinays iyo Kenyaati.

Intaa waxa dheer oo burburay gawaadhi 10 ah oo sida la sheegay u badan nooca qaaliga ah ee ay ajaanibta Soomaaliya joogtaa isticmaalaan.

Sidoo kale weerarka ayaa waxa uu burburiyay dhismayaal 200 mitir oo isku wareeg ah. Xarunta qaramada midoobay ayaa waxaa iyadana ka burburay albaabada iyo daaqadaha.

Intaa waxa dheer oo uu qaraxani burbur u geystay xarun ay ciidamada BS-tu deggan yihiin oo xigta dhanka garoonka diyaradaha ee magaalada Muqdisho.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.