Xog-cusub: Magaca,Taariikhda & Degaanku ka soo jeedo Is-miidaamiyihii isku qarxiyay Hotelka Jazeera-Muqdisho

0

Muqdisho(Sayruuq)-Ninkan ayaa la sheegay inuu ka soo jeedo  Gobolka Awdal (Boorame),ha yeeshee wuxuu ku dhashay dalka Liibiya, kadibna dalka Jarmalka ayuu degay, waxaa kaloo uu safarro ku tegay magaalada Qaahira ee dalka Masar iyo Boorama, gobolka Awdal ee uu ka soo jeedo. Cabdirisaaq Buux ayaa la sheegay inuu muddo saddex sanadood ah ka mid ahaa ururka Alshabaab.

Abdirizak  waa 30 sano jir  ay daba joogeen Hay’addaha Ammaanka Jarmalka oo laga war hayay inuu Alshabaab ku biiray. Laamaha ammaanka Soomaaliya ayaa shalay xaqiijiyay in ninkii fuliyay qaraxii ismiidaaminta Hotelka Jazeera uu ahaa Soomaali Jarmal, lakiin faahfaahinta ayaa iska soo daba dhaceysa.
Khubaro Ajaaniib ah ayaa baadhitaan ku wada DNA-da jidhkii ka hadhay qofkii is qarxiyay iyadoo muddo badan ay xidhnayd goobtii qaraxu ka dhacay .

baadhayaasha

Wararka ku saabsan ninkan ayaa sheegaya in sanadkii 2009-kii
laga soo celiyay mar uu damacsanaa inuu ka dhoofo dalka Jarmalka, iyadoo looga shakiyay inuu doonayay inuu ku biiro kooxaha Islaamiyiinta ah ee Soomaaliya.
Sanadkii 2012 ayuuse ku guuleystay inuu ka tago Jarmalka isagoo  markaas tegay dalka  Masar, halkaasoo uu uga soo gudbay  Soomaaliya, kuna biiray Alshabaab isagoo ka mid noqday liiska is-miidaamiyeyaasha kooxda u qoran.

Is-miidaamiyeyaasha qaraxyada waaweyn ka geysta caasimadda Soomaaliya ayaa u badan dhalinyaro ka timid Mareykanka iyo Yurub. iyadoo qurba joogtana si weyn looga soo dhoweeyo Soomaaliya.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.