Xisbul xaakimka Itoobiya oo ka hadlay Rabshadihii Oromada iyo Amxaarada

0

kabshana waxaad ka dhigataa waxay qireen in uu bulshada iyo xukuumadda u dhaxeeyo is-faham waa

Hargeysa(Sayruuq) Ururka u arrimiya Itoobiya, EPRDF, ayaa shir laba maalmood ah oo ku lahaa caasimada dalka shalay soo dhameeyey.

Shirka ayaa lagaga dooday rabashadihii dhawaan ka dhacay Oromiya iyo soonka Goondhar ee gobolka Axmaarada. waxaa kale oo kulanka lagu soo qaaday abaaraha dalka ka jira iyo hirgalinta barnamijka horumarinta ee dalku dajistay.

EPRDF ayaa sheegatay in xoogaga lidka-nabadu afduubeen codsiyo iyo su’aalo ay shacabku tabanayeen oo ku saabsana maamulka wanaagsan iyo horumarka.

Xisbiga ayaa sheegay in dhibaatooyinka ka dhacay Oromiya iyo Goondhar ay salka ku hayaan baladhiinta caasimada iyo aqoonsiga dadka Kemant. EPRDF ayaa xustay in aan loo baahnayn in xoogaga naba-diidku gabaad ka dhigtaan qodobadan.

Dawalada ayaan ilaa imika si rasmi ah u soo saarin khasaaraha ka dhashay rabshadaha, laakiin ururada u ololeeya Oromada iyo xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in dad kor u dhaafay 85 ku naf waayeen qulqulatooyinka.

EPRDF ayaa qirtay in ay meesha ka maqantahay isfahmi waa u dhaxeeya dawlada iyo shacabka markal laga hadalay balaadhinta caasimada. Waxaa kale oo ururku uu xusay in ay rabashadaha qayb ka noqon karaan maamul-xumo iyo musuqmaasuq ay dadku tabayaan.

Xukuumada Itoobiya ayaa in badan ku soo celcelisay in wax laga qabanayo maamul-xumada iyo musuqmaasuqa, laakiin bulshada ayaa dareeymeysa in wax isbadal ah aan haba yaraate lagu talaabsan.

Dhanka abaaraha, waxa uu xisbigu tilmaamay in la qaadayo talaabo kasta oo wax lagaga qabanayo mashaakiladka ka dhashay abaaraha.

Xisbiga ayaa warbxintisa ku soo xidhay in sharciga lala tiigsanayo dhamaan xogaaga ka dambeeyey rabashadaha Oromiya iyo gobolka Axmaarada

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.