Xisbiyadda dib haloo furro

0
'Xisbiyadda dib haloo furro '

Xisbiyadda dib haloo furro.

Xisbiyadda siyaasaddu maaha dukaano iibiyo ascaarta suuqyadda laggu kala iibsado sidda bariiska , baastadda iyo barashada , hassa yeeshee waa haayaddu u taagan aragtiyo siyaasadeed oo ay fulitaankeedda u maraan wadada dheer ee loo yaqaano doorashadda , sidaa darteed doorashaddu waa nafta iyo neefta ay xisbiyadda siyaasadda ku hawlani ku tamariyaan .

Khudbad sanadeedkii shalay Madaxwaynuhu ka jeediyay labadda gole kuma uu soo hadal qaadin waxa lagga yeelayo muddo xileedka goleyaasha deegaanka ee waqtigoodii maalmaha koobani ka hadheen iyo doorashaddii lasoo dooran lahaa waxa lagga yeelayo ,sidoo waxaa iyana muuqata in doorashaddii golaha wakiiladdu iyana aanay ku qabsoomayn waqtigii loo asteeyay , taasoo ka dhigan in dib u dhac danbe ku yimaado .

Aduunyadda sidaa isugu dhabaqday ee aynu arkayno ,weli asxaabtu waxay isku haystaan komishanku ha joogo iyo yaanu joogin , doorasho iyo warkeedana cidiba ma hadal hayso , xisbiyaduna waxay u muuqdaan in aanay doorashooyinkiiba ay naceen oo aanay hadeer xiisaba aanay u haynin .

Sidaa markay tahay , waxaan soo jeedin lahaa in Goleyaasha deegaanka marka waqtigoodu dhamaado , in axsaabta dib loo furro , si ay usoo baxaan xisbiyo doorashooyinka xiisaynaya oo u heelani , maadaama axsaabta hadeer joogtaa ay u muuqdaan in ay doorashooyinkii ka xiiso dhaceen .
Ahmed Garuuje

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.