“Xisbiga Waddani Waxa Laga Diiday Dr Fadal,”

0

“Xisbiga Waddani Waxa Laga Diiday Dr Fadal,”

Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland ayaa sheegay in xisbiga Waddani xaq u leeyahay diidmada xubnaha madaxweyne Biixi ku daray guddida doorashooyinka. Waxa uu sheegay in xisbiga Waddani hore looga diiday Dr Maxamed Cismaan Fadal oo xisbigu doonayay in uu noqdo xubinta Komishanka uga mid noqonaysa.

“Xisbiga Waddani hore waxaa hore  looga diiday Maxamed Cismaan Fadal, oo uu soo xulay Komishanka, sidaas darteed Xisbiga Waddani mar haddii hore looga diiday Fadal, maantana wuxuu diidan yahay xisbigu cidna ma ogolaysiin karto, markaas cid kasta oo siyaasad ku milanta, ama Xisbi gaar ah u ololeeysa, ma xil soo qabatay, Xeerbaa dabraya,kolay inantan dib loo soo celiyey iyadu Komishanka ayey hore uga tirsanayd, oo xeer dabraya ama u diidaya ma jiro, halka uu Cabdirashiid Riyo raac uu hore ugu jiri jiray Xisbiga Waddani, markii dambena uu ku soo biiray Xisbiga Kulmiye, Xukuumaddii horena xil wasiirnimo ka soo qabtay, sidaas darteed qodobka 12aad farqadiisa D ee Dastuurka waxay tilmaamaysa in aan Komishanka loo magaacabi karin Shaqaale Dawladeed, xubin Barlamaan, Xubnaha Golaha Wasiirada, Ciidan iyo xubin xil u haysa Urur ama Xisbi kama mid noqon karo Komishanka, markaas cid ku sifoowday Xisbi kama mid noqon karto Komishanka,” Sidaas ayuu yidhi xildhibaanku.

Xigasho: Geeska Afrika

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.