Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Heshiiska Xisbiyada

0
Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Heshiiska Xisbiyada

Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Heshiiska Xisbiyada
Musharrax ku xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Dr Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa bulshada u faahfaahiyay waxyaabaha la iskula qaatay kulan xalay dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo hoggaanka xisbiyada mucaaradka. Waxa uu sheegay in kulanka ay qaban qaabiyeen madaxweyne ku xigeennadii hore ee Somaliland Xasan Ciise Jaamac, Cabdiraxmaan Aw Cali iyo Axmed Yuusuf Yaasiin iyo aqoon yahanno kale, Akademiyadda Nabadda iyo ururada bulshada. Waxa uu u mahad celiyay dhammaan dhinacyada ka soo shaqeeyay qabsoomidda kulanka.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen xubno ay kala hoggaaminayeen Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, guddoomiyaha xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, xubno ka socday dhexdhexaadiyeyaasha waxa uu ka dhashay culays ka yimid waxgaradka Somaliland iyo beesha caalamka si loo dhammeeyo khilaafaadka ku xeeran doorashada ee xisbiyada iyo xukumadda u dhexeeya.
Musharrax ku xigeenka madaxweyne ee xisbiga Waddani Dr Maxamed Cali waxa uu sheegay in la isla gartay wada hadallo furmi doona Arbacada oo lagaga wada hadlayo caqabadaha doorashada hor yaalla “Waxa xalay la isla gartay oo kulanka ka soo baxay in wada hadalladii hore u dhexmaray saddexda xisbi oo burburay 3 bilood ka hor ay dib u qabsoomaan kadib markii uu culays ka yimid aqoon yahanka, siyaasiyiinta, waxgaradka Somaliland iyo beesha caalamka ciddii danaynaysay horumarka guud ee Somaliland iyo geeddi socodka dimuqraadiyadda, culayska yimid darteed ayaa keenay in gogosha la fidiyo oo madaxweynuhu fidiyo xisbiyaduna aqbalaan,” sidaas ayuu yidhi musharrax ku xigeenka xisbiga Waddani.

Dr Maxamed Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay waxyaabaha kulankaasi ka soo baxay waxaanu yidhi “Waxa kulanka ka soo baxay in wada hadalladii burburay dib loo bilaabo oo la isku soo noqdo oo laga wada hadlo. Waxa la isla gartay mawqifkii xisbiga ee ahaa in aanay doorashada baarlamaanka iyo goleyaasha degaanku dib uga dhicin sanadka soo socda ee 2019 oo ahaa mawqifkii xisbigu hore u soo jeediyay UCID-na uu ku waafaqay madaxweynuhuna ogolaaday in aanay doorashadu dib uga dhicin 2019.”

Dr Maxamed Cali waxa uu sheegay in dhibaato ay keenayso doorashada oo dhaafta sanadka 2019 “Waxaan ognahay doorashada oo dhici lahayd bisha Maarij oo dib u dhacday dhibaatada ay keeni karto haddii ay sanadkan dhaafto; sumcadda Somaliland, horumarkeeda, isku xidhnaanshaha iyo wada jirta umaddaba dhib ayay u keeni doonta, marka waxaanu qabna in arrintaasi fuli doonto,” Sidaas ayuu yidhi Dr Maxamed Cali.

Musharrax xigeenka Waddani waxa uu intaasi ku daray in xisbiyadu ka wada hadli doonan sidii doorashadu sanadkan ugu qabsoomi lahayd “ Si doorashadu u dhacdo dabayaaqada sanadka soo socda waxa la isla gartay in wada hadalladii burburay dib u bilaaman Arbacada soo socota oo bishu tahay 19 oo laga wada hadlo sidii doorashadaasi u qabsoomi lahayd oo la iskula meel dhigo lana dhammaystiro ajandihii hore ee shirku ka burburay wixii kale ee ku xeeran in doorashadu qabsoonto.”
Musharrax ku xigeenka xisbiga Waddani waxa uu sheegay in uu rajaynayo in la isla meel dhigi doono hirgelinta caqabadaha ku xeeran doorashada oo si daacadnimo iyo xilkasnimo leh looga wada hadli doono, islamarkaana laga midho dhalin doono kulamada si doorashadu sanadka soo socda dhammaadkiisa u qabsoonto.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.