“Xisbiga Waddani Mar Dambe Tanaasuli Maayo,” Dr Cirro

“Reer Somaliland waxay isku raacsan yihiin in caddaalad darro jirto, waxa taas sii xaqiijiyay Madaxweynaha Laftiisa oo maalin uu jaamacad ka hadlayay Yidhi ‘Caddaalad Darra Jirta,” Dr Cabdiraxmaan Cirro

0
“Xisbiga Waddani Mar Dambe Tanaasuli Maayo,” Dr Cirro

“Xisbiga Waddani Mar Dambe Tanaasuli Maayo,” Dr Cirro

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa sheegay in xisbiga Waddani dulqaadkii ka dhammaaday. Waxa uu sheegay in uu ka tanaasulay kursiga guddoomiyaha wakiillada iyo kan madaxweynaha sidaas awgeedna aanu mar dambe tanaasuli doonin.

Dr Cirro oo la hadlayay taageerayaashiisa Qurbaha waxa uu yidhi “Aniga oo idin metelaya waxa aan ogolaaday natiijadii doorashadii madaxtooyada oo aan u arkayay in arrintaasi badbaado u tahay Qarannimada iyo midnimada shacabka Somaliland. Waxa ka war haysan tanaasulkaasi ma ahayn kii u horeeyay ee Waddani sameeyo, marar hore ayuu tanaasulay oo ay ka mid ahayd in uu ka tanaasulo kursiga guddoomiyenimada baarlamaanka, marka Qaranka iyo shacbiga Somaliland waxaan u sheegaya tanaasulka intii xaq loogu lahaa Waddani way ka dhammaatay sidaas daraadeed xisbigu mar dambe tanaasuli maayo.”

Guddoomiyaha xisbiga Waddani waxa uu sheegay in ay xaq tahay doodda Waddani ee ah in guddida doorashada la kala diro maaddaama shuruucdu ogoshahay in xeer beegtida dhinac diido la bedelo. Waxa uu sheegay in aanu Kulmiye wax tanaasul ah la iman islamarkaana diiday in tirada xubnaha laga dhigo 9 lana kala diro. Waxa uu sheegay in doorashada oo qabsoomi wayda dhaawac weyn gaadhsiinayso Somaliland taasna uu masuuliyaddeeda qaadayo madaxweyne Biixi “Waa in Komishanka la kala diro oo doorashadii la qabto. Haddii doorashaba la qaban waayo arrinku wuxuu isugu soo ururaya taladii Faysal ee ahayd shir baan qabanaya,” Sidaas ayuu yidhi Dr Cirro oo u muuqda in uu taageeray shirweynaha Qaran ee Faysal Cali Waraabe iclaamiyay haddii doorasho dhici waydo.

Guddoomiye Cirro waxa kale oo uu sheegay in dalka caddaalad darro ka jirto “Shacbiga Somaliland wuxuu isku raacsan yahay in caddaalad darro jirto. Waxa taas sii xaqiijiyay Madaxweynaha Qaranka oo maalin dhawayd ka hadlayay meel jaamacad ah oo laftigiisu yidhi caddaalad darro ayaa jirta, marka dhammaanteen waxaynu isku raacsanahay in caddaalad darro jirto,” Sidaas ayuu yidhi Dr Cirro.

Dr Cirro waxa uu sheegay in caddaalad darrada jirta ay tusaale u tahay 300 oo arday oo deeq waxbarasho ah oo dhawaan Itoobiya siisay Somaliland sidii loo qaybiyay. Waxa uu sheegay in gobollada Saaxil, Sool, Sanaag iyo Togdheer laga siiyay 300 ee arday 33 xubnood, halka 40 la siiyay Awdal iyada oo inta kale oo dhan 227 xubnood la siiyay gobolka Maroodijeex “Haddii degmada Gabiley la soo qaadana afarta gobol(Sool, Sanaag, Saaxil & Togdheer) iyada ka Schollars badnayd oo waxa la siiyay 37 xubnood,” Sidaas ayuu yidhi Dr Cirro.

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.