Xisbiga Wadani oo Jawaab ka Bixiyey Dhawaaqii Xukuumadu ku xayirtay Hotelada

0

Hargeysa(Sayruuq)Boqolaal ka mid ah Ciidanka booliska Somaliland oo ay hogaaminayaan Taliyaha guud Sarreeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, Saraakiil sarsare iyo madaxda wasaaradda daakhiliga ayaa galabta la iskugu soo saaray Hargeysa, waxaana halkaasi laga sheegay in Ciidanku heegan galay guud ahaan Somaliland.

Sidoo kale madashaasi waxaa lagu sheegay inaan shir Mucaaradku qaban karaan jirin, islamarkaana mulkiileyaasha Hotelladu ogolaan Karin shir aan xukumaddu ogolayn in lagu qabto.

 

Cabdillaahi Fadal, ayaa sheegay in ciidanku arrimo dhinaca amaanka ah u galay heegan dalka oo dhan ah “Waxay heegan u yihiin cid kasta oo isku dayda inay qarankan iyo bulshada Somaliland nabad galyadooda wax u dhinto. Waxay qaadayaan talaabo adag oo sharciga waafaqsan. Waxa kale oo aan halkan farriin uga dirayaa shacbiga inay cid kasta oo shaki ka galo ciidanka la socodsiiiyaan” ayuu yidhi Taliye Fadal.

 

Wasiir xigeenka Maamulka gobolada ee wasaaradda arrimaha gudaha  Mudane Cadarre, ayaa farriin u diray Mucaaradka iyo mulkiileyaasha Hotellada “Wasaaradda arrimaha gudaha iyo ciidanka boolisku muxaafad iyo mucaaradba amnigooda ayay ilaaliyaan, waxaanu uga digaynaa shacabka Somaliland ama ganacsatada kiraysa hoolalka lagu shiro amma guryaha waaweyn ee lagu qaban karo shirkaasi inaan shir aan Sharci ahayn oo amniga khalkhal galin kara aanan ka raali ahayn, cidii qabatana ay masuuliyadeeda qaadan doonto” ayuu yidhi Mr Cadarre.

 

Axmed Muumin Seed, guddoomiye xigeenka xisbiga Waddani, ayaa talaabada xukumaddu qaaday kadib waxa uu arrintan ku macneeyay xaalad abuur iyo in xukumaddu amaanka khalkhalinayso islamarkaana ciidamo soo dhoobtay xarumaha xisbiyada iyo waddooyinka “Isbahaysiga Mucaaradka looga baqi maayo inuu jiritaanka Somaliland iyo nabad galyada wax yeelo” ayuu yidhi Mr Seed, waxaanu taliyaha booliska ugu baaqay inuu ilaaliyo amaanka dalka islamarkaana aanu xukumadda hor boodin.

 

Haddidaada iyo ciidamada la isku soo saaray ayaa imanaya kadib markii Isbahaysiga Mucaaradku iclaamiyay shir 23,35 iyo 26 July qabsoomaya oo lagaga arinsanayo waxa laga yeelayo muranka muddo kordhinta ee aan wali xal laga gaadhin.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.