Xisbiga WADANI Oo Cabsi Ka Muujiyay Inay Tartan La Galaan Maxamed Biixi Yoonis Hadii Uu Golaha Dhexe Ee KULMIYE Ka Soo Baxo.

0

“Hadaanu WADANI Nahay Cidaanu La Tartamayno Waxaa Khatar Nagu Ah Maxamed Biixi Yoonis”. Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte.

Hargaysa (Sayruuq)-Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI oo tartan weyni ka dhaxeeyo Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Musharaxiinta ku loo lamaaya Xisbiga KULMIYE siday u arkaan ka Xisbi WADANI ahaan iyo cida u fudud inay ka guulaystaan doorashooyinka la filaayo inay dalka Somaliland ka qabsoomaan.

biixi

Xisbiga WADANI ayaa muujiyay cabsi xoogan oo ay ka qabaan inuu ku soo baxo Musharax Maxamed Biixi Yoonis haddii ay doortaan Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIY, taas oo la filaayo inay kalareebaan Baarqabada ku laac damaaya Xisbul xaakimka 10 November. “KULMIYE ma jeclin inuu bur-buro waayo waa hay’ad Qaranku leeyahay oo u baahan in la dhiso marka maha inuu bur-buro, Xisbigii UDUB wuxuu aha kii Axsaabta ugu da’da weynaa waan ka xumaaday inuu meesha ka baxo”. Sidaa waxaa yidhi Guddoomiyaha guddida arrimaha gudaha ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) oo u hadlaayay Xisbiga WADANI. Xildhibaanka oo kamid ah Madaxda sare  ee Xisbiga WADANI isagoo ka hadlaaya shakhsiga ay doorbidi lahaayeen Xisbi ahaan inay la tartamaan iyo ciday cabsida ka qabaan wuxuu yidhi.

“Waxaan qaba hadaanu WADANI nahay cidaanu la tartamayno ee ka soo bixidoonta KULMIYE ileen gooni kama nihine, waxa annaga Khatar nagu ah Maxamed Biixi Yoonis, marka waxaanu hoosta ka jeclaan lahayn inay soo baxdo cid aanu ka helno Doorashada”. Sidaa waxaa yidhi Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte oo shaaca ka qaaday markii ugu horeysay aragtida Xisbiga WADANI qabo iyo ciday jecelyihiin inay doorashada la galaan.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.