Xisbiga Ucid oo Sheegay in Shirka Maanta ee u Dhexeya Xukumada iyo Xisbiyada Mucaaridku uu Burburayo.

0

 

Hargeysa(Sayruuq) Guddoomiye ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Mucaaridka ee  Ucid Cali Maxamed Yusuf (Cali Guray) ayaa sheegay in Shirka Waddahadalada ee u socda Xukumada iyo Xisbiyada Mucaaridku uu Burburidoono, isaga oo Dusha ka saaray Burburka Shirkaasi ku Imanaya Xukumada iyo Xisbiga Kulmiye.

Cali Guray Waxa uu sheegay Xisbiga Kulmiye iyo Xukumadiisu ay ku dhagsan yihiin Maalintii Gollaha Guurtidu u Asteeyen in doorashooyinku dalka ka Qabsooman, taasi oo uu sheegay in ka xisbiyo  mucaari ahaan ay ka soo Horjeedaan Go’aankii Guurtida isla Markaana ay Aamisan yihiin in Doorashadu ku dhici karto wakhtigii uu Komishanka Doorashooyinku ku dhawaaqay in uu Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiilada ay Qabbanayaan oo ah 1 Junne ee Sannadka soo socda.

Cali Guray oo warbaahinta u waramayey ayaa ka hadlay Rajada uu ka Qabbo in guul uu ku dhammaado shirka Maanta ay isku imanayaan mucaaridka iyo Xukumadu. Waxaanu yidhi.“Shirkii Maalintii Kowaad aanu Yeelanay Waxa uu ku soo Biyo Shubtay, ma sharciga iyo Xagga Maxkamadaynu iskula kacnaa iyo Shuruucda, Mise Sharci Barri Horuu dhintee waxaynu ku dadaalana in aynu wada gaadhno xal siyaasi ah, oo aynu dalkaana kaga bixinayno  Khilaafka Siyaasiga ah ee uu ku jirro, Waxa laysku raacay in aanu Xal Siyaasi ah aanu iskula Nimaadno, waxa la yidhi waa hagaag waxaynu Balamaynaa Sabtida Qolowalay Xisbigaagii ku noqo, in Xaalka Siyaasiga iska wadda ogashihiin, oo tallo aad soo waddotashateen oo xaal siyaasi ah la timaadan Xisbi waloow, marka Shallay anaga oo UCID ah waanu tagnay waxaanu noqonay Xisbiga kali ah ee Sax iyo Khaladba la tagnay meesha Hanalagudiido ama hanalaga ogolaado, marka Golihii Ciida kali ah ee Xaal siyaasi ah la tagtay waa Xisbiga Ucid oo kali ah, Balse waxa nasiib darro ah in labbadii Xisbi ee kale midna aanu xaal siyaasi ah la Iiman, Soo jeeddin may keenin, waxay Noqotay in iyagu isku Muuqdaan, haddii shirku siddan ku sii socdo  in aanay waddahadaladani si socondoonin, oo aan Xaal Siyaasi ahna aan la gaadhidoonin Maalinta Isniinta ahna wuu iska soo xidhmidoono Waddahadalkaasi”Ayuu yidhi Cali guray

Guddoomiyaha Sariiflayaasha oo Baanka Ku eedeyey Hoos u dhaca Shilinka Somaliland.

Hargeysa(Waaheen) Guddoomiyaha Sariiflayaasha Magaalada Hargeysa Maxamed Abiib Siciid (Waaraad) ayaa Xukumada Madaxweyne Siilaanyo ku eedeyey in ay Masuul ka tahay Sicirbararka ku Yimad Lacagta Qalaad gaar ahaan Dollarka, taas oo keentay in  Shillinkii Somaliland uu Hoos u dhac weyni ku Yimid.

Guddoomiyaha ayaa Sheegay in Masuuliyiinta Baanka Dhexe ay  ka gaabiyeen Shaqadii loo igmaday, taasina ay keentay in Suuqyada Sariifka lacagtu lagu qaaddan waayo Shillinkii Somaliland, taasi oo keentay in shacabkii Urursadaan Dollarkii oo ay Xareystaan.

Guddoomiyuhu Waxa uu sheegay sababta Dhaliisay in Lacagtii Somaliland la qaaddan waayo ay tahay markii Xukumadu cashuurihii ay qaaddaysay ku qaaddo dollar halkii  shillinka Somaliland dhiirigalin lahayd Dollarkii urursatay.

Sidaasi waxa uu ku sheegay Shirjaraa’id oo uu shallay ku Qabtay Hotel Emperial ee Magaalada hargeysa.Waxaanu yidhi. “Anigu waxaan Dalka ka taggay Sariifka oo Todoba Boqol iyo Labbaatan kun ah, waxaanan ku soo Noqday isaga oo ah Sidded Boqol oo Kun, Sicirbararka Lacagta waxa lagaga Hortagii karaa  waa labba Qodob oo kala ah in Dawladu Lacag ah cashuurta ku urursato ee qasnadeed ku dhaca ay ku qaaddo  Shilinka Somaliland, Qodobka labbad waxa weeyan in Madaxweynuhu Baanka uu u soo magacaabo dad dhalinyaro ah oo Firin fircoon oo ay wadda shaqeyn karaan Sariflayaasha oo garaanay in Sariiflayaashu ay hoos yimaadan Baanka, isla Markaana Meesha uu ka Badalo Guddoomiyahan iyo Agaasimahaba, runtii Sariiflayashu waxay jecel yihiin in Dollarku hoos u dhaco oo uu gaadho Saddexboqol oo Kun Boqolkii Dollar, laakiin waxa loo bahan yahay masuulkii Aqoontaasi lahaa ee isku Xidhi lahaa Baanka iyo Sariiflayaasha si meesha uu uga baxo Farqiga u dhexeya ee keenaya Sixirbararka lacagta Qalaad, Maanta waxaynu Taagan nahay Heer lacagtii Shillin somalilandta la qaaddan waayo oo Dollarkii uu la urursado oo laguba badaliwaayo lacagtii Somaliland, taasina masuuliyadeed waxa Leh Xukumada Siilaanyo iyo Baanka ay u xilsaareen”Ayuu yidhi.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.